Xog: dareewal lagu dilay Laascaanood, maxaabiis laga sii daayey xabsiyada PL

Image

December 7, 2015 (GO)- Muddo hadda laga joogo labo maalmood [Sabti, December 5, 2015]  abbaare 7:00 fiidnimo, waxaa magaalada Laascaanood lagu diley Xasan Mahad Cabsiiye Seed oo kamid ahaa dareewallada gaadi​​idka yaryar (Toyota Mark II Wagon) ee u kala goosha magaalooyinka Garowe, Laascaanood iyo Hargeysa.

Sida aanu kasoo xiganay dad goob joogeyaal ah, waxaa dilka geystey labo nin oo bistoolado ku hubeysnaa, kuwaasoo durbadiiba goobta ka baxsaday.

Garowe Online oo kaashanaya ilo- wareedyo lagu kalsoon yahay, ayaa baaris iyo xuuraansi dheer kadib ogaadey, sababta loo diley Xasan Mahad iyo weliba cidda la rumeysan yahay inay ka dambeysey.

Maxay tahay sababta loo diley Xasan Mahad?

Galab jimce ah [February 15, 2013] abbaare 3:30 galabnimo, waxaa magaalada Garowe lagu diley -AHN- Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax oo kamid ahaa culimaa'uddiinka, sida weyn looga qadariyo dhulka Soomaalida. 

Saddex saac kadib dilkii sheekha (abbaare 6:30 fiidnimo) waxaa telefoon loo soo diray dareewalka la diley (Xasan Mahad) -oo xilligaas ku sugnaa Laascaanood- waxaana lagu wargeliyey in loo hayo koorso ingeyr ah, waxaa sidoo kale loo sheegay in uu qof xanuunsan kasoo qaadi doono tuulada Buuro-Wadal oo qiyaastii 25km waqooyiga kaga beegan Garowe.

Kadib markii labada dhinac qiimaha ku heshiiyeen, Xasan wuxuu go'aansaday inuu soo baxo, inkastoo uu ka walaacay sababta qof xanuunsan loogu soo qaadayo Laascaanood isagoo jooga meel aan Garowe wax badan ka durugsaneyn! Sidaas darteed, dareewalku wuxuu wargeliyey booliska degmada Laascaanood, wuxuuna siiyey xog hordhac ah oo ku saabsan halka uu tegayo iyo waxa uu ka doonayo, dabadeedna wuxuu usoo dhaqaaqay dhanka Buurowadal.

Muddo kooban kadib, Xasan wuxuu yimid Buurowadal wuxuuna qaaday qofkii loo soo diray. Dareewalka oo markii horeba sheki xooggan qabay, waxaa muddadii uu jidka kusii jirey u caddaatay in qofka uu sidaa ahayn qof xanuunsan, balse yahay nin dhallinyaro ah oo weliba caafimaad qaba.

Markii uu gaadhigu gaarey kantaroolka Laascaanood, waxaa ninkii dhallinyarada ahaa qabtey ciidamada booliska Somaliland. Baarintaan dheer kadib, ninkaasi wuxuu qirtey in uu ka tirsan yahay Al-shabaab, islamarkaana ka qayb qaatey dilkii Sheekh Cabdiqaadir Nuur.

March 13, 2013 ayey ciidamada Somaliland ninkaas kusoo wareejiyeen laamaha ammaanka ee Puntland.

Laga soo bilaabo Februay 15, 2013 oo hadda laga joogo labo sano iyo toban bilood, waxaa Xasan Mahad loogu hanjabayey in la dili dooni, waxaase la ​diley December 5, 2015.

Dilka ka dhacay Laascaanood ayaa imaanaya xilli muddooyinkii u dambeeyey ay soo baxayeen warar sheegaya in xabsiyada Puntland laga sii daayey xubno badan oo ka tisran Al-shabab.

Garowe Online ayaa ogaatey in muddadii u dhexeysey 2014-2015 xabsiyada Puntland laga sii daayey in ka badan ​30 ​maxbuus oo Al-shabaab ah, kuwaasoo ay ku jireen qaar horay loogu xukumey  toogasho iyo xabsi daa'im.

Sii deynta maxaabiista Al-shabaab waxaa la rumeysan yahay inay kul lug leeyihiin mas'uuliyiin uu ​ugu sarreeyo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Wasiirkii Hore ee Cadaaladda, Ismaaciil Maxamed Warsame, Xeer Ilaalinta iyo; saraakiisha maxkamadda ciidamada iyo taliyeyaasha xabsiyada. Xogaha Garowe Online helayo ayaa sidoo kale muujinaya in ay jiraan maxaabiis badan oo sii deyntooda lacag lagu qaatey. 

Dhinaca kale warsidaha Garowe Online oo baaris ku sameeyey qaababka loo adeegsado sii deynta maxaabiista dembiyada culus ku xukuman ee ku jirta xabsiyada Puntland ayaa ogaadey, habka gudbinta ama isku bedelka maxaabiista (transfer) taas oo micneheedu yahay in maxaabiis magaalo joogto loosoo wareejiyo magaalo kale. 

Garowe Online ayaa fahansan in ay jiraan maxaabiis Al-shabab ah oo laga saaray xabsiyada Bosaso​ iyo ​Garowe kuwaasoo aan gaarin halkii loo wadey kadib markii meel dhexe lagu sii daayey.

Bararistan ayaa sidoo kale fahansan in wada-shaqeyn la'aanta hay'adaha kala duwan ee dowladda Puntland ay abuurtay in musuq-maasuqa gaaro heerkii ugu sareeyey.

Kooxda Monitoring Group ayaa warbixinteedii ugu dambeysey ee ay u gudbisey Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey waxay ku muujisay walaaca laga qabo musuq maasuqa baahsan ee ka jira hay'adaha garsoorka Puntland.

Waxaa nasiib darro ah in la fasaxo dambiileyaal khatar ku ah amniga iyo jiritaanka Puntland, sidoo kale waxay taasi halis gelinaysaa ammaanka siyaasiyiinta iyo saraakiisha Puntland ee xilligan shaqeeya iyo kuwii horay xilalka usoo qabtay.

NB: Wasiirkii hore ee Cadaaladda Puntland Ismaaciil Maxamad Warsame ayaa qayb weyn ka qaatey sii daynta dadkaan isaga oo sanadkii 2014 waxqabadkiisa uu ka hor-akhriyey madaxweynaha Puntland ku darsadey in xabsiyada Puntland gaar ahaan kan magaalo madaxda Garowe uu kasii daayey maxaabiis farabadn kuwaasoo ku tilamaamey in sharci daro lagu haystey.

Maxaabistaan ayaa warbixintaan sheegeysa iney ku jirteen dad badan oo lagu tuhunsanaa falalka argagixsnimo kuwasoo baaris rasmiya aan lagu sameyn kadib markii shaqada laga fariisay saraakiisha ciidamada ee haysey xogahaan.

Madaxweynaha Puntland ayaa taalabadii ku xigtey uu qaadey sanadkii 2014 xilalka ka qaadey saraakiisha ciidamada Booliska iyo sirdoonka kuwoodii la dagaalamayey ururka Al-shabaab taasoo abuurtey muran xoogan oo soo kala dhexgala hay'adaha amniga iyo xafiiska madaxtooyada. 

Warbixin kasoo baxdey QM ayaa lagu sheegey in uu jirey khilaaf xoogan oo soo kala dhexgaley madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas iyo saraakiisha hay'adaha amniga taasoo sababtey in hoos u dhac ku yimaado amniga guud ee Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo horumar weyn ka sameysay Howlgalka Hilaac ee ka socda G/Bari

Dagaalyahannada ISIS ayaa la kulmay khasaare weyn toddobaadyadii u dambeeyay kadib markii Madaxweynaha Puntland.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 10:39AM

Soomaaliya: Muxuu Axmed Madoobe Ka Yiri Howlgalada Puntland ee ka Dhanka ah Daacish?

Madaxweynuhu wuxuu si gaar ah u xusay guulaha muuqda ee Puntland ay ka gaartay howlgalka Hilaac.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 08:51AM