Xog laga helay markab Shiinees ah oo lagu afduubtey xeebaha Puntland

Image
Burcadda ayaa ku hubeysan qoryaha AK-47 iyo qoryaha darandooriga u dhaca.

GAROWE, Puntland - Markab kaluumaysi oo laga leeyahay dalka Shiinaha oo ay la socdeen ilaa 18-shaqaale ah ayaa la sheegay in ay afduubteen kooxo burcad badeed ah.

Burcad-badeeda ayaa markabka waxay ka qafaasheen xeebaha maamul goboleedka Puntland, sida ay sheegeen ciidamada Midowga Yurub ee la dagaalanka burcad badeeda.

Afduubkan oo dhacay maalintii Khamiista asbuucii hore ayaa la sheegay in ay ku lug lahaayeen kooxo burcad badeed ah oo ku hubeysnaa qoryaha AK-47 iyo qoryaha darandooriga u dhaca.

Ciidamada badda ee Midowga Yurub ayaa ku tilmaamay dhacdadan "dhac ka dhacay badda" balse waxay xaqiijiyeen in aysan jirin wax dhaawac ah oo ka soo gaaray shaqaalihii markabka intii uu socday weerarka.

Warar kale oo aan la xaqiijin karin ayaa tibaaxaya in qaar kamid ah ilaalada markabka ay ku lug-leeyihiin afduubka ayna la safteen kooxda hubeysan markii ay gaareen xeebaha Xaafuun.

Dhaqdhaqaaqyada burcad-badeedda ee xeebaha Soomaaliya ayaan indhaha caalamka soo jiitay intii u dhaxaysay 2008 iyo 2018, taasoo carqaladaysay maraakiibta caalamiga ah.

Si kastaba ha ahaatee, dhacdooyinka budhcad-badeednimadu way yaraayeen sannadihii u dambeeyay ka hor inta aanay dib u soo kicin dabayaaqadii sannadkii hore.

Afduubkan ayaa waxa uu muujinayaa dib u soo laba kacleynta falalka burcad badeedda ee ka dhaca Geeska Afrika, gaar ahaan biyaha Puntland oo horey u balanqaadey ciribtirkooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gollaha Wakiillada Puntland oo Xubinimo ka qaaday Cabdirashiid Yuusuf Jibriil

Cabdirashid, oo dhowaan dib ugu soo noqday Puntland, ayaa lagu eedeeyey inuu khatar geliyey amniga guud ee Puntland.

  • Puntland

    15-07-2025

  • 12:42PM

Duqeyn Cirka oo Mareykanku Ka Fuliyay Puntland

Wuxuu ballan qaaday in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya si ay u gaaraan xasillooni buuxda.

  • Puntland

    08-07-2025

  • 12:35PM