​Xoghaye loo magacaabay Godob jiraan Nugal

Image

GAROWE- Wareegto kasoo baxday xafiiska wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland Axmed Cilmi Cismaan, ayaa lagu magacaabay xoghaye cusub oo yeelato degmadaasi, waxaana lagu magacaabay Cabdi Faarax Maxamed. 

Cabdi oo magacaabista kadib lahadlay Radio Garowe, ayaa soo dhaweeyay xilka loo dhiibay wuxuuna sheegay inuu wax kaqaban doono arrimo ay kamidtahay wadooyinka, nadaafadda iyo isku xirka bulshada isagoo u mahadceliyay wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha. 

Magacaabista xoghayaha ayaa timi kadib markii dhawaan gole deegaan loo dhisay degmadan tan iyo 2007 markaasi oo kusoo biirtay degmooyinka gobolka Nugal. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM