Xukuumada PL oo la kufaa kaceysa bixinta mushaharka shaqaalaha

Image

Sabti 18 October,2014 [GO]- Waxaa cabashooyin ka imaanayaan dhamaan shaqaalaha dowlada, ciidamada iyo dhamaan hay'daha kale ee dowliga ah maadaama Xukumada Madaxweyne Cabdiweli Gaas si toos ah u bixin waydey tan iyo intii talada qabatey mushaharaadka ku waajibey.

Wararka laga helayo mushaharaadka dowlada ku maqan ayaa gaaraya marka celcelis lagu sameeyo muddo Afar bilood ah halka ciidamada Madaxtooyada iyo kuwa kale ka maqan yahay mushaharka bilaha September iyo October oo aan weli la bixin.

Ciidamada dowlada ayaa qaar kamid ah iyagoo aan qaadan bilaha June iyo July ayaa waxaa wasaarada maaliyada Puntland ka codsatey saraakiisha ciidamada in bilahaas laga boodey madaama lagu guddo jirey waqtigii xagaaga balse bisha August iyo kuwa ka dambeeya si joogta ah loo siin doono. 

Ciidamada dowlada Puntland ayaa aad uga xumaadey bilahaas laga boodey mushaharkooda iyadoo sida warkaanu sheegayo qaar ka tirsan ciidamadu ogoladeen qorshahaan halka kuwa kalena diideen balse balantii laga qaadey oo aheyd in "bil walba la bixin doono mushaharka" aysan sideedii u fulin.

Dakhliga dowlada Puntland kasoo gala dekada Bosaso iyo baraha kale ee cashuurta looga qaado ganacsatada ayaa wax is-dhin ah ku dhacin balse kordhey waqtigii lagu jirey bilaha xagaaga.

Dhinaca kale xukuumada Puntland ayaa mushaharka si joogta ah u siisa xubnaha Barlamaanka kuwaasoo sida warsidaha GO ogaadey bisha October kaliya ay ka maqan tahay xubnaha aqalka wakiilada.

"Xukuumada waxaa ay ka baqeysaa in dhibaatada mushahar la'aanta ka jirta dalka dibada u soo baxdo hadii xildhibaanada Puntland saameyn ku yeelato, balse taasu mudanaaysha way ku ceebeysan yihiin in mushaharka kaligood la siiyo xilli  ciidamada dowlada iyo shaqaalaha sidii la rabey aysan u qaadan mushaharaadkooda" sidaas waxaa yiri xildhibaan diidey magaciisa in la shaaciyo oo la hadley GO

Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa bishii Jan 2014 xili musha-haradaakii ugu horeeyey xukuumadiisu bixisey wacad ku maray in bil walba shan iyo labaatankeeda shaqaalaha dowlada iyo ciidamadu heli doonaan lacagahooda  taasuna keentey isbadalkii ka dhacey Puntland.

GARWOEONLINE

Related Articles

Puntland iyo Talyaaniga oo kawada hadlay mashaariicda horumarinta

Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalay Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland iyo Hay’adaha Dowladda.

  • Puntland

    30-10-2024

  • 01:01PM

Tayeynta waxbarashada dugsiyada sarre Puntland oo laga shiray

Guddiga ayaa ballan qaaday in Golaha Wakiilladu uu ka shaqeyn doono sidii loo xoojin lahaa adeegyada waxbarashada.

  • Puntland

    17-10-2024

  • 04:42AM