Xukun lagu ridday mas'uuliyiin ka tirsan Puntland oo la buriyey

Image

BOOSAASO, Puntland – Maxkamadda Racfaanka Bari ayaa maanta oo Isniin ah burisay xukun 9-kii Febraayo ee sanadkan 2020 ay ridday Maxkamadda Darajadda Koowaad ee gobolkaas.

Xukunada ayaa waxaa lagu ridday mas'uuliyiin ka tirsanaa Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraada Badda dowladda Puntland.

Maxamed Cali Muuse, agaasimaha Waaxda Kalluumeysiga, ayaa lagu xukumay saddex sano oo xarig ah markii la sheegay in lagu helay in uu sameystay dukumiintiyo been abuur ah.

Dukumiintiyadda ayaa waxaa la xusay in lacago looga qaadi jiray doonyaha iyo maraakiibta ee ka jilaabta xeebaha kala duwan ee Puntland.

Muuse waxay eeda kala dhaxeysay Mahad Cali Carcar, isu duwaha Wasaaradda kalluumaysiga gobolka Garfaduuf, kaasoo la amray in xorriyadiisa loo celiyo markii dambi "lagu waayey".

Garsooreyaasha Maxkamada Racfaanka ayaa jebinta u cuskaday in dukumiintiyadda horey loo adeegsan jiray isla markaana codka laga duubay uusan muujin karin dambi.

Xilli ay ku adkeysteen in kiiska uu yahay mid aan horey loosii waddi karin, xafiiska xeer-ilaalinta ayay daboolka ka qaadeen in uu ku fashilmay in uu la yimaado caddeymo ku filan.

Muuse iyo Carcar ayaa waxaa lagu waramay in lagu xiray magaala madaxda ganacsiga Puntland ee Boosaaso, bishii hore ee Janaayo, 2020.

Puntland ayaa kamid ah degaanada Sooomaaliya ee garsoorku u siman yahay rayidka iyo mas'uuliyiinta, si gaar ah marka ay timaado gal-dacwadeedyada la dagaalanka musuqmaasuqa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM