Xuquuqda beelaha la hayb sooco oo Garowe looga hadlay

Image
Image
Image
Image

December 10, 2014 (GO)- Kulan looga hadlayey u qareemista beelaha laga tirada badan yahay oo ay si wadajir ah usoo qaban qaabiyeen Wasaarada Haweenka Puntland iyo Hay'adda Cilmi Baarista Puntland PDRC ayaa maanta lagu qabtey isla xarunta PDRC ee Garowe.

Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda oo Madaxweynaha, Gudoomiyaha Barlamaanka, Wasiiro iyo xildhibaano kamid yihiin ayaa kulankaas kasoo qayb galay, waxaa sidoo kale kulanka lagu casumey xubno ka socdey qaybaha kala duwan ee bulshada sida: isimada, culimaa'uddiinka, ururada haweenka iyo dhallinyarada.

Madaxewne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa sheegay inay muhiim tahay in laga gudbo dhaqanka ku saleysan hayb sooca oo sida uu tilmaamay anshaxa suuban iyo diintaba aan munaasib ku ahayn.

''waxani waa dhaqan xun diinna maahan , waa dhaqan liita kana soo horjeeda bini'aadamnimada , waa dhaqan aan wax garowshiiyo ah lahayn inaba ha le'eg kaatee waana dhaqan xad gudub ku ah karaamada qofka bini'aadamka ah''Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha Puntland ayaa dhanka kale ugu baaqay hay'adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah ee ka shaqeeya xuquuqul insaanka inay il gaar ah ku hayaan sidii loo dabargoyn lahaa dhaqanka hayb sooca, dadka la hayb soocana xuquuqdooda u heli lahaayeen.

Agaasime ku xigeenka Hay'adda PDRC Cali Faarax oo isna goobta ka hadlay ayaa soo dhoweeyey kulankan oo sida uu tilmaamay muhiim isagoo ku baaqay in kulamada caynkan oo kale ah lasii dardar geliyo.

GAROWE OLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Gacanta ku Dhigay Xubno Ajnabi ah oo Ka Tirsan Daacish

Ciidamada Puntland ayaa horey u muujiyay dadaal joogto ah oo ku aaddan sugidda amniga iyo xasilloonida gobollada Puntland.

  • Puntland

    01-08-2025

  • 01:55PM

Deni oo ka hadlay dagaalka Gedo, kana digay burburka dowladnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Puntland wuxuu ku eedeeyay dowladda federaalka in ay hurinayso dagaallo sokeeye oo ku saleysan dano gaar ah.

  • Puntland

    01-08-2025

  • 09:21AM