Qadar oo martigelineysa shir ku saabsan amniga Soomaaliya

Image
Kulan lix geesoodka ah ayaa ah wajiga labaad ee shir ka qabsoomay magaaladda Washington.

DOOXA, Qadar - Dowladda Qatar ayaa dib u soo cusboonaysiisay ballan-qaadkeeda ku aaddan nabad ka dhalata Soomaaliya xilli uu qabsoomay shir lix geesood ah oo ka dhacay dalka Mareykanka.

Shirkan oo looga hadlayay la dagaallanka argagixisada dalkan ku yaalla Afrika ayaa wajigiisa labaad uu bilaha soo socda ka dhici doonaa magaalada Dooxa, sidda ku cad war-murtiyeedka.

War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in kulankan qabsoomay Talaadadii looga hadlay "amniga, dowlad-dhisidda, horumarka, iyo mudnaanta bani’aadanimo ee Soomaaliya".

Xubnaha ka soo qeyb galay kulanka ayaa waxaa ka mid ahaa Turkiga, Imaaraadka Carabta iyo Ingiriiska si lamid ah waxaa goobjoog ahaan wakiilo ka socdey dowladda federaalka Soomaaliya.

"Daneeyeyaasha waxay ka wadahadleen sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo u diyaar garowga dhimista Hawlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaadhka ah ee Soomaaliya, waxaana lagu heshiiyey in la xoojiyo isku-dubbaridka kaalmada amniga caalamiga ah," ayay raacisay wasaaradda.

Al-Shabaab ayaa ah khatarta ugu weyn ee nabad-gelyadda Soomaaliya. Kooxda hubeysan waxay fulisay howlgalo dhiig badan ku daatay tan iyo markii la aas-aasay dhowr sano kahor.

Qadar ayaa kamid ah dalalka saameynta iyo galaangalka weyn ku leh xaaladda Soomaaliya. Martigelinta shirkan waxaa loo arkaa talaabo waji cusub gelin karta cilaaqaadka labada dal oo haatan fiicneyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wiil Soomaali labo jir ah oo dhintay isagoo qasab lagu tahriibinayo

Shilkan ayaa ka dhacay English Channel iyadda oo doontooda ay kusii jeeday Ingiriiska.

  • Wararka

    06-10-2024

  • 08:30AM

Jabuuti oo ka hadashay warar laga faafiyay Caafimaadka Geelle

Wasiirka Maaliyadda Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaleh ayaa markii ugu horeysay wuxuu ka hadlay wararkan aadka u faafay.

  • Wararka

    29-09-2024

  • 01:21PM