Qodobka ay isku-mari-waayeen Dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya

Image
Turkiga ayaa martigeliyay wareegii koowaad ee wadahalada Muqdisho iyo Ankara.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wadahadallo dhexmaray dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka dhacay waddanka Turkey ayaa ku dhammaaday natiijo la’aan, sidda uu ogaadey warsidaha Garowe Online. 

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in wafdiga Soomaaliya ay ku adkaysteen in aysan wax gorgortan ah ka galayn heshiiska badda ee muranku ka taagan yahay ee u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland.

Wada hadallo kale ayaa lagu balamay 2-da September. Hase ahaatee, lama soo bandhigin meesha uu ka dhici doono wadaxaajoodkan iyo waddanka martigelin doono.

Qoraalo kala duwan oo kasoo kala baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga iyo Dowladda Soomaaliya ayaa lagu kala sheegay in wadaxaajoodyaddu ahaayeen kuwa toos aan ahayn.

"Gabagabadii shirka waxaa goobjoog ka wada ahaa labada wafdi warmurtiyeed wadajir ah oo uu soo jeediyey dhexdhexaadiyaha wasiirka arrimaha dibedda dalka Turkiga," ayay tiri Dowladda Soomaaliya.

Diblumaasiyiin ayaa u sheegay Garowe Online in hadafka ugu weyn ee shirkan loo qabtey inuu ahaa muujinta in wadahadalo ay bilowdeen si hoos loogu dhigo xiisadda iyo cadaadiska haysta labada daraf.

"Dawladdu waxa ay u mahadcelinaysaa Dawladda Walaalaha ah ee Turkiga kaalintooda wanaagsan ee ay ka qaateen xasiloonida geeska Afrika," ayaa lagu soo gabagabeeyay warka qoraalka ah ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq Gargaar ah siisay Dad danyar ah

Goobaha mashruuca taakulenta bisha Ramadan la gaarsiiyay waxaa kamid ah Dr Xabeen, Maamo Ugaaso, Isbitaalka Martiini iyo SWC.

  • Wararka

    08-03-2025

  • 12:28PM

Hay'adda Hormuud Salaam Foundation oo Deeq gaarsiisay Xabsiga Dhexe iyo Naafada Qaranka

Sidoo kale, isla Maanta waxay Hay’adda Hormuud Salaam Foundation ay Lacag Cadaan ah iyo Neef Geel ah.

  • Wararka

    03-03-2025

  • 11:39AM