Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi: La badbaadiyeyaal kaliya ma nihin
MUQDISHO, Soomaaliya - Gurmadka ay dowladda federaalka u dirtey dadka uu saameeyay dhul-gariirka Turkiga waa fariin aduunyada tusineysa in Soomaaliya ay u abaal-gudeyso cid kasta oo garab istaagta, sida uu sheegay ra'iisul wasaare Xamse Cabdi Barre.
Sidda laga soo xigtey Xamse, casharka kale ee laga baran karo kaalmadan ayaa ah in Soomaalida aysan kaliya ahayn dad iyaga la badbaadinayo balse ay wax ka badbaadinayaan dadyowga caalamka.
Hadalkan ayuu ka sheegay munaasabada Dowladda Turkiga loogu wareejiyay lacag dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga qayb qaadanayaan gurmadka dadka Turkiga ee uu saameyay dhulgariiradii is xig xigay ee ka dhacay dalkaasi.
Munaasibad ka dhacday xarunta Tiyeetarka Qaranka oo ay soo agaasimeen guddiga gurmadka Turkiga, ayaa Xukuumaddu ku wareejisay lacag dhan $4,818,477 dollar, una dhiganta ku dhawaad 100 milyan oo lacagta Turkiga ah ee Lira taasi oo laga soo uruuriyey shacabka Soomaaliyeed, 20-kii maalmood ee lasoo dhaafay.
Wasiirka koowaad ee xukuumadda fedederaalka ayaa shacabka Soomaaliyeed iyo guddigii gurmadka walaalaha Turkiga uga mahad celiyey garab istaaga qiimaha badan ee ay u sameeyeen walaalahooda Turkiga oo dhibaato wayn ka soo gaadhay musiibadii dhulgariiradii is xig-xigay.
Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale, ayaa balan qaaday in Gobalka Banaadir ku dari doono inta ka dhiman shanta milyan.
Xamse ayaa tilmaamay in tani ay adduunka tusayso in shacabka Soomaaliyeed markooda u gurman karaan cid kasta oo garab uga baahata xilliyada adag, sagoo markale dowladda iyo shacabka Turkiga uga tacsiyadeeyey dadkii tiradda badnaa ee ay ku waayeen musiibadaas.
GAROWE ONLINE