Rafcaan ay qaateen rag loo xukumay Al-Shabaabnimo oo la diidey
NAIROBI, Kenya - Maxkamad ku taalla Kenya ayaa laashay racfaan ay qaateen labo nin oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen weerarkii Jaamacadda Gaarisa ee sannadkii 2015-kii kaasoo ay ku dhinteen 148-qof.
Garsoore Cecilia Githua ayaa sheegtay in Hassan Edin Hassan iyo Mohammed Abdi Abiikar ay wajihi doonan 41 sano xabsi ah maadaama racfaankooda uusan muujinin in maxkamada darajada koowaad ay ku qaldantay xukunka dheer ee lagu riday.
Labada nin ee Kenyanka ah ayaa la xukumay sanadkii 2019-kii, halka Rashid Mberesero, oo u dhashay Tanzania, lagu xukumay xabsi daa’in ka hor inta uusan is-dilin 2020-ka.
Dhammaan dadkaasi ayaa lagu helay dambi ah inay maleegayeen weeraro argagixiso iyo inay ka tirsan yihiin kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab, balse waxay racfaan ka qaateen xukunka maxkamada darajada koowaad.
Labada xukumane ayaa, sidda ay shaaca ka dhigeen sharci-yaqaanadda, waxay rafcaan ka qaadan karaan xukunka Maxkamadda Racfaanka laba toddobaad gudahood.
Weerarkii ka dhacay Jaamacadda oo ay ku dhinteen dad arday u badan, ayaa ahaa weerarkii labaad ee ugu khasaaraha badnaa ee ay kooxda Al-Shabaab ka geysato dalka Kenya.
Weerarkii Al-Qaacida ee safaaradda Mareykanka ee sanadkii 1998-dii ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 200 oo qof waxa uu yahay kan ugu waxyeeladda badan taariikhda Kenya.
Kiiskan ayaa soo jiitamayay muddo dheer waxaana hareeyay dib-u-dhacyo badan tan iyo markii dambiilayaasha la xiray wax yar ka dib weerarkii bishii Abriil 2015 ee Jaamacadda. Falkan wuxuu abuuray heegan iyo feejignaan.
GAROWE ONLINE