Rag fuliyey weerar ay Al-Shabaab sheegatay oo laga khafiifiyey xukunka

Image
Xasan Edin Xasan iyo Maxamed Cabdi Abiikar ayaa kalkii hore waxaa garka loo geliyey 41-sano oo xabsi ah.

NAIROBI, Kenya - Xukun xabsi oo lagu riday laba eedeysane kuwaasoo lagu helay weerarkii argagixiso ee Garissa ayaa la khafiifiyey, sidda ay ku warantey warbaahinta maxaliga ah ee waddankaas.

Gudoomiyaha maxkamadda sarre, Cecilia Githua, ayaa meesha ka saartey eeda ku saabsan in Xasan Edin Xasan iyo Maxamed Cabdi Abiikar ay ahaayeen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Balse, Githua ayaa ayiday dacwadda ku saabsan in labadan nin ay sameeyeen fal argagixiso waxaana xukunkii ahaa 41-sano xarig ah ay ka dhigtey 25-sano iyo bar oo xarig ah.

Richard Tuya oo ah falanqeeye dhanka ammaanka ah oo fadhigiisu yahay magaalada Nairobi ayaa sheegay "in xukunkan uu dhabar jab ku yahay dagaalka lagula jiro argagixisada".

Sannadkii 2019-kii, maxkamadda hoose waxay ku xukuntay 25-sano iyo bar, labadan qof oo lagu helay inay maleegayeen fal argagixiso iyo 15-sano iyo bar oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Sannadkii 2015-kii, afar nin oo hubeysan ayaa gudaha u galay Jaamacadda Gaarisa, waxayna bilaabeen inay si aan kala sooc lahayn u toogtaan, iyagoo dilay 148 qof.

Kooxda Al-Shabaab ee fadhigoodu yahay Soomaaliya ayaa markii dambe sheegtay in ay ku dhiiradeen in ay weerar ka geystaan ​​dalka Kenya maadaama dalkaas uu ciidamadiisa u soo diray Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wiil Soomaali labo jir ah oo dhintay isagoo qasab lagu tahriibinayo

Shilkan ayaa ka dhacay English Channel iyadda oo doontooda ay kusii jeeday Ingiriiska.

  • Wararka

    06-10-2024

  • 08:30AM

Jabuuti oo ka hadashay warar laga faafiyay Caafimaadka Geelle

Wasiirka Maaliyadda Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaleh ayaa markii ugu horeysay wuxuu ka hadlay wararkan aadka u faafay.

  • Wararka

    29-09-2024

  • 01:21PM