Ruto oo muddeeyay bixitaanka askarta Kenya ka jooga Soomaaliya
NAIROBI, Kenya - Madaxweyne William Ruto ayaa Talaadadii May 2, waxa uu ku dhawaaqay in dowladiisu ay bilaabi doonto in Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) ay ka soo saarto Soomaaliya sanadka 2024-ka, si dalka uu u xasilo.
Isagoo ka hadlayay munaasabad lagu soo bandhigayay warbixinta xaaladda socdaalka bariga iyo geeska Afrika oo lagu qabtay xarunta shirarka caalamiga ah ee Kenyatta International Convention Center (KICC) ayuu Ruto xusay in la dhimi doono tirada ciidamada ka howlgala Soomaaliya.
“Waxaan la shaqeyneynaa walaalaheena Soomaaliya, xitaa iyadoo la filayo in la dhimo ciidamada sanadka soo socda, waxaan wadnaa qorshe la taaban karo oo ku saabsan sida Soomaaliya ay ugu socon karto dowlad ahaan,” ayuu yiri Madaxweynaha.
Askarta Kenya ayaa ka mid ah kuwa la geeyay Soomaaliya laga bilaabo 16-kii October, 2011, si ay u baacsadaan kooxda argagixisadda ah ee Al Shabaab.
Qorshahan ayuu Madaxweynuhu shaaca ka qaaday in ay qeyb ka tahay in dalal kala duwan ay kala shaqeeyaan Soomaaliya ka hor inta aan si buuxda ciidamada looga saarin.
Askarta KDF-ta ayaa la geeyay Soomaaliya xilligii dowladdii madaxweynihii hore ee Mwai Kibaki. Muddo bil ah kadib dowladda Kenya ayaa ogolaatay inay ka hoos shaqeyso howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Ciidamadan ayaa markii dambe si rasmi ah loogu daray howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) 22-kii February, 2012, kaddib markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu soo saaray Qaraar tirsigiisu yahay 2036-ka.
GAROWE ONLINE