Saxafi lagu khaarijiyey toogasho loo adeegsaday shaamshuutar

Image
Ciidamada Ruushka ayaa la tuhunsan yahay in ay ka dambeeyeen dilka wariye Bogdan Bitik.

KYIV, Ukraine - Suxufi reer Ukraine ah ayaa la dilay Arbacadii todobaadkan xilli u safrayay magaaladda Kherson isaga iyo saaxiibkiis oo Talyaani ah, sidda ay ku warantey warbaahinta caalamiga ah.

Bogdan Bitik, oo turjumaan u ahaa wariyaha joornaala La Repubblica, Corrado Zunino, ayaa toogtay "shiish-yahan reer Ruush ah", sida uu sheegay wargeyska laga leeyahay Talyaaniga.

Zunino ayaa laga toogtay garabka, waxaana hadda lagu daweynayaa goob caafimaad oo aan la sheegin. "Waxaan maqlay wax food ah, waxaanan arkay Bogdan oo dhulka yaal," ayuu raaciyey Zunino.

Labada ninba waxay xirnaayeen jaakadaha saxaafadda markii lagu weeraray meel u dhow buundada la burburiyay ee Antonivskyi, sidda laga soo xigtey warbixinta majaladda iyo wariyaah dhaawacan.

Ugu yaraan 15 ka mid ah howlwadeeno warbaahin iyo saxafiyiinta ayaa lagu dilay Ukraine tan iyo markii Ruushku bilaabay duulaanka, sidda uu sheegay guddiga difaaca suxufiyiinta.

Ciidamada Ukraine ayaa ku dhawaaqay in ay la wareegeen gacan-ku-haynta Kherson bishii Noofambar 2022 kadib markii magaaladda la qabsaday toddobaadyadii hore ee dagaalka.

Wixii markaas ka dambeeyay, ciidamada Ruushka, oo dib uga gurtay wabiga Dnipro, ayaa gobolka ku garaacayay duqeymo joogto ah oo isugu jira madaafiic, gantaalo, weerarro aan duuliyaha lahayn iyo kuwa shiishka qaada.

Bishii Disembar 2022, laba wariye oo Talyaani ah, Claudio Locatelli iyo Niccolò Celesti, ayaa Ruushka ku weeraray gobolka Kherson; dhamaantood way badbaadeen hase ahaatee Locatelli waa dhaawacmay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wiil Soomaali labo jir ah oo dhintay isagoo qasab lagu tahriibinayo

Shilkan ayaa ka dhacay English Channel iyadda oo doontooda ay kusii jeeday Ingiriiska.

  • Wararka

    06-10-2024

  • 08:30AM

Jabuuti oo ka hadashay warar laga faafiyay Caafimaadka Geelle

Wasiirka Maaliyadda Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaleh ayaa markii ugu horeysay wuxuu ka hadlay wararkan aadka u faafay.

  • Wararka

    29-09-2024

  • 01:21PM