Sharma’arke Cabdinaasir: Heesaaga Sharma Boy oo fankii ka fariistay

Image
Heesaha Sharma Boy ayaa inta badan ka turjumi jirey hadba waaqica dalka ka jira.

WASHINGTON, USA - Fannaanka dhanka heesaha rap-ka loo yaqaano ee Sharma’arke Cabdinaasir, kuna magac dheer Sharma Boy ayaa u muuqda in uu fankii ka fariistay, isaga oo gebi ahaanba xiray bartiisii Youtube ee ay ku xirnaayeen wax ka badan 1 milyan oo qof.

Waxa uu sidoo kale bartiisa ka saaray dhammaan heesihii ku jirey oo ay ka mid ahaayeen qaar ay daawashadooda maraysay dhawr milyan oo jeer.

Fannaanka oo soo duubay cajal, soona dhigay bar uu ku leeyahay TikTok ayaa sheegay in ay hurdo la’aan ku dhacday tan iyo markii uu tagay Maraykanka, isaga oo dadka ku xiran ka codsaday in ay talo soo siiyaan.

Sharma ayaa ka mid ah jiilka cusub ee fannaaniinta kuwooda ugu hibada wanaagsan, dhanka curinta heesaha iyo masrixiyaddana aad ugu heersareeya, isaga oo qaatay abaalmarino kala duwan oo qaarkood ay heer caalami yihiin.

Waxa uu noqday xiddig isaga oo kale uu yahay dhif iyo naadir, kaas oo xitaa ka yaabsaday dadkii fankii hore ka mid ahaa ee dhaliisha badan u hayay fanka casriga cusub.

Sharma Boy ayaa inta badan ka turjumi jirey hadba waaqica dalka ka jira, iyada oo dhallinyarada ay aad u jeclaayeen, soo mateli jireen heesihiisa, hal ku dhigna ka dhigtaan.

Lama ogga sababta rasmiga ah ee Sharma uga baxay fanka isaga oo weli ah nin aad u dhalin yar oo xitaa aanan dhaafin da’dii sodonka sano. Sikastaba ha ahaatee, Sharma Boy wuxuu kamid yahay fanaaniinta sida fudud uguna dhaqsiyaha badan kusoo jiitay dad badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wiil Soomaali labo jir ah oo dhintay isagoo qasab lagu tahriibinayo

Shilkan ayaa ka dhacay English Channel iyadda oo doontooda ay kusii jeeday Ingiriiska.

  • Wararka

    06-10-2024

  • 08:30AM

Jabuuti oo ka hadashay warar laga faafiyay Caafimaadka Geelle

Wasiirka Maaliyadda Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaleh ayaa markii ugu horeysay wuxuu ka hadlay wararkan aadka u faafay.

  • Wararka

    29-09-2024

  • 01:21PM