Ciidamo Mareykanka ah oo lagu weeraray duleedka Kismaayo

Image
KISMAAYO, Soomaaliya - Wararka laga helayo gobolka Jubbada Hoose, ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in xoogaga Al Shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen Ciidamo Mareykanka ah iyo kuwa katirsan Jubbaland.
 
Weerarka oo ahaa mid culus ayaa lagu qaadey Ciidamada xilli ay ku sugnaayeen Tuulada Baarka, oo ku taalla inta u dhaxeysa Buulagaduud iyo Bar-sanguuni, kuwaasi oo xilligaasi ka yimid dhinaca magaalada Kismaayo.
 
Wararka ayaa sheegaya in halkaas uu dagaal ku dhexmaray Al-Shabaab iyo ciidamada Jubbaland iyo kuwa Mareykanka, kaasi oo sababay khasaarooyin kala duwan oo dhinacyada soo gaarey, inkastoo aan wali xaqiijin tirada rasmiga ah.
 
Dagaalka ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo habeenkii Talaadda ay Rag hubeysan oo Al-Shabaab ka tirsan ay la wareegeen saacado magaalada Ceel-waaq ee gobolka Gedo, oo hoostagta maamulka Jubbaland.
 
Ciidamada Mareykanka ay kordhiyeen duqeymaha ka dhanka Al Shabaab, waxaana sanadkan oo kaliya fuliyeen in ka badan 15 weerar, oo ugu dambeeyay mid ka dhacay 2-dii bishan Buuraha Galgala, ee gobolka Bari. [Halkan ka akhri Warka].
 
Al-Shabaab ayaa mudooyinkii dambe kordhisay weeraradeeda iyo dilalka qorsheysan ee ay ka geysanayso dalka, xilli lagu guda jiro bisha bareykaysan ee Ramadan-ka.
 
GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM