Duqeyn Mareykanka uu ka fuliyay Puntland oo lagu dilay 27 qof

Image

BOOSAASO, Puntland - Mareykanka ayaa sheegay in weerar dhanka cirka ah uu ka fuliyay Maalintii Sabtida, 2-dii bishan June gobolka Bari, ee Puntland uu ku dilay ugu yaraan 27 xubnood oo kamid ahaa Kooxda Al-Shabaab.

War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa [AFRICOM], ayaa lagu sheegay in weerarka uu ka dhacay meel 26 Mile dhanka Koonfur Galbeed uga beegan magaala xeebeedka Boosaaso, oo ah xarunta Ganacsiga Puntland.

AFRICOM ayaa sheegtay in duqeynta aysan ka dhalan wax khasaaro ah oo shacabka kasoo gaarey. War-Saxaafadeedka kasoo baxay Mareykanka laguma sheegin magaca goobta uu weerarka ka fuliyay.

Qoraalka ayaa lagu yiri: Annagoo kaashaneyna dowladda Federaalka Soomaaliya, Ciidamada Mareykanka waxay fuliyeen duqeyn ay ku bartilmaameedsadeen Al-Shabaab, kaasi oo ka dhacay meel 26 Mile Koonfur Galbeed uga beegan Boosaaso June 2."

Howlgalka Mareykanka ayaa kusoo beegmaya xilli Puntland ay sheegtay in 41 xubnood oo katirsanaa Al-Shabaab ay ku dileen Ciidamadeeda weerarkii Sabtidii Balli-Khadar oo ku yaalla nawaaxiga Buuraha Galgala oo Hoy u ah Kooxaha argagaxisada.

Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymihiisa Soomaaliya, ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyo garabka Daacish ee ku sugan Puntland wixii ka dambeeyay markii Madaxweyne Trump uu bixiyay ogolaanshaha ballaarinta howlgalka AFRICOM, Maarso, 2017.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM