Qarax ka dhacay Shabeellaha Hoose iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

WANLAWEYN, Soomaaliya - Qarax xooggan oo geestay khasaarooyin kala duwan ayaa maanta oo Khamiis ah ka dhacay duleedka degmada Walla-Weyn, ee gobolka Shabeellaha Hoose, oo 90KM dhanka waqooyi galbeed uga beegan Muqdisho.

Gudoomiye ku xigeenka gobolka, Cali Nuur ayaa u xaqiijiyay Warsidaha Garowe Online in qaraxa uu ahaa miinada dhulka lagu aasay, taasi oo lala eegtay Gaari ay la socdeen Askar katirsan Militeriga dowladda xilli ay mareen duleedka Walla-Weyna.

Cali ayaa sheegay in 8 Askari iyo Taliyahooda ay ku dhinteen qaraxa oo burburiyay Gaarigii ay wateen oo nooca Cabdi-Billaha loo yaqaano. Afar Askari oo kale ayaa ku dhaawacmay weerarka.

Shalay ayay ahayd markii qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Suuq Khaadka lagu iibiyo oo ku yaalla Walla-Weyn ay ku geeriyoodeen ugu yaraan 15 qof, waxaana weerarkaasi iyo kii maantaba sheegtay Al Shabaab. [Halkan ka akhri Warka].

Kooxda Al Shabaab ayaa kordhisay mudooyinkii dambe weerarada ka dhanka ah Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku howlgalaya gobolka Shabeellaha Hoose, oo xuduud la leh Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pakistan iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca iyo amniga

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyay Pakistan taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 02:28PM

Sheekh Shariif: Ciidamada Qaranka waxaa laga weeciyay dagaalka Al-Shabaab

Khamiistii, ciidamada Puntland ayaa la wareegay saldhig ku yaalla Boosaaso oo ay hore u deganaayeen ciidamo hore loogu yiqiin PSF.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 06:50AM