Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Wanlaweyn iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax xooggan oo ismiidaamin ah ayaa gelinkii dambe ee maanta ka dhacay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha hoose, kaasi oo geestay khasaarooyin isagu jira dhimasho iyo dhaawac.

Cabdifitaax Xaaji Cabdulle, oo ah gudoomiye ku xigeenka gobolka ayaa u xaqiijiyay Warsidaha Garowe Online in nin isku soo xiray walxaha qarxa uu isku qarxiyay Suuq mashquul badan oo ku yaalla degmada.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in 14 shacab ah iyo hal Askari inay ku geeriyoodeen qaraxa, iyadoo tiro kale ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo qaarkooda loo soo qaadey Isbitaallada magaalada Muqdisho.

Wali ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda qaraxan ismiidaaminta ah ee ka dhacay degmada Wanlaweyn, oo qiyaastii 90KM dhanka galbeed uga beegan Muqdisho, balse mas'uuliyiinta gobolka ayaa ku eedeeyay Al Shabaab.

Wanlaweyne ayaa ku dhaw Ballidoogle oo Militeriga Mareykanka uu ku leeyahay saldhigga ugu weyn ee dalka Soomaaliya, kaasi oo ay ka qorsheeyaan weerarada duqeymaha ah ee ka dhanka ah Al Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay colaadda ka taagan Aricadeeye, baaqna u dirtay dhinacyada

Wasaaraddu waxay ku baaqaysaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo khilaafaadka iyo dhammaan falalka hurin kara colaadda.

  • Soomaliya

    23-06-2026

  • 12:36PM

Soomaaliya oo soo dhaweysay heshiiska Mareykanka iyo Iiraan

Soomaaliya waxay sidoo kale bogaadisay kaalinta ay qaateen Pakistan, Qatar, Masar, Sacuudi Carabiya iyo Turkiga.

  • Soomaliya

    23-06-2026

  • 09:22AM