Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Wanlaweyn iyo wararkii ugu dambeeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax xooggan oo ismiidaamin ah ayaa gelinkii dambe ee maanta ka dhacay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha hoose, kaasi oo geestay khasaarooyin isagu jira dhimasho iyo dhaawac.

Cabdifitaax Xaaji Cabdulle, oo ah gudoomiye ku xigeenka gobolka ayaa u xaqiijiyay Warsidaha Garowe Online in nin isku soo xiray walxaha qarxa uu isku qarxiyay Suuq mashquul badan oo ku yaalla degmada.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in 14 shacab ah iyo hal Askari inay ku geeriyoodeen qaraxa, iyadoo tiro kale ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo qaarkooda loo soo qaadey Isbitaallada magaalada Muqdisho.

Wali ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda qaraxan ismiidaaminta ah ee ka dhacay degmada Wanlaweyn, oo qiyaastii 90KM dhanka galbeed uga beegan Muqdisho, balse mas'uuliyiinta gobolka ayaa ku eedeeyay Al Shabaab.

Wanlaweyne ayaa ku dhaw Ballidoogle oo Militeriga Mareykanka uu ku leeyahay saldhigga ugu weyn ee dalka Soomaaliya, kaasi oo ay ka qorsheeyaan weerarada duqeymaha ah ee ka dhanka ah Al Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalal katirsan Afrika oo diiday aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Ilaa iyo hadda lama oga sababta keentay in Israa’iil ay waqtigan ku dhawaaqdo aqoonsigan, iyo in ay filayso wax ay ku beddesho.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 12:43PM

Masar, Turkiga iyo Jabuuti oo Cambaareeyay Aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa lagu sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty.

  • Soomaliya

    26-12-2025

  • 08:14PM