Dhibaatooyinka kale ee kaa daahsoon ee abaarta ka dhashay
LONDON, UK - Iska hilmaam tirakoobyada aad in badan ka maqashid saxaafadda ee ku saabsan dadka gargaarka u baahan, roobabka iman waayay iyo carruurta nafaqo darada ay dilootay, halkani waxaa ah dhibaatoon kale oo laga yaabo in aysan dad badani ku baraarugsanayn.
Marka ay abaari timaado waxaa ka dhasha dhibaatooyin is huwan oo midba midda kale ka daran, kuwaasi oo sii fogeynaya xalkii laga gaari lahaa xilli wax ku dhow kala bar tirakoobka guud ee dadka Soomaaliya ku dhaqan ay abaarta saamaysay.
Sida lagu sheegay warbixin qotodheer oo dhowaan ay soo saartay Qaramada Midoobay, waxaa la diiwaangaliyay sanadkan oo keliya wax ka badan 80 kun oo qof oo markale kasii barokacay halkii ay markii hore u barokaceen, sababtuna tahay dhul dad leeyahay oo ay dageen.
Dhulkani waxaa u badan gobolka Banaadir oo boosas iyo goofaf dad leeyihiin ay barokacayaasha dageen. Tani ayaa xaaladda uga sii dartay dadkii markii horeba abaarta la liitay.
Dhibaato kale oo abaarta ka dhalatay oo cid kasta welwel weyn ku haysa, ayna adagtahay in xalkeeda la gaaro ayaa ah carruuraha iskuulaadka ka haray.
Sida warbixinta Qaramada Midoobay lagu sheegay , waxaa sanadkani iskuulaadka ka haray 1.4 milyan oo carruur ah, kuwaas oo sida waayoaragnimada dadka barayso aanan 90% dib ugu laabanin goobaha waxbarashada. Halkaasi waxaa ka abuurmay jiil dhan oo mustaqbalkoodii halaabay.
Maadaamaa dadka ay masaafo dheer soo jiirayaan marka ay abaarta ka qaxayaan, waxaa aad u batay dhacdooyinka miinooyinka ku qarxa, waxaana sanadkan oo keliya la diiwaangaliyay wax ka badan 3 kun oo dhacdo oo miinooyin dadka ku qarxay ah.
Iyada oo la maarayn la’yahay dadkii gudaha ku barokacay ayaa waxaa dalka dib ugu soo laabanaya dadkii ku jirey xerooyinka qaxootiga dalalka dariska ah sida Kenya, Jabuuti iyo Yemen, waxayna UNHCR sheegtay in ay soo laabteen wax ka badan 30 kun oo qof, lana filayo in tiradu gaarto 120 kun marka uu sanadka dhamaado.
Iyada oo dadka ku barokacay gudaha dalka ay dhanyihiin 1.2 milyan oo qof, wax ka badan 8 boqol oo dadkaasi ka mid ah waxaa barokiciyay dagaalada dalka ka jira. Bishii Agoosto oo keliya , waxaa 14 tuulo oo ku taala Hiiraan ka barokacay 25 kun oo qof kadib dagaalo halkaasi ka dhacay.
Si kastaba ha ahaatee, warbixinada iyo tirakoobyada murugada leh ee abaarta ku saabsan ayaa maalin kasta sii kordhaya, iyada oo dhanka kale ay aad u yaryahay wacyiga dadka waxgalka ah ama siyaasadaha dajiya ee ku saabsan halka uu xaal marayo.
GAROWE ONLINE