Waa kuma qofkii fuliyay Qaraxii Ismiidaaminta ee Baar-Sanguuni?

Image

BAAR-SANGUUNI - Kooxda Al-Shabaab ayaa shaacisay magaca naftii-hurihii fuliyay qaraxii dhawaan lagu weeraray Saldhiga ciidamada Jubbaland, kuwa dowladda Federaalka iyo Mareykanka ee duleedka magaalada Kismaayo.

Is-qarxinta oo dhacay galabnimadii Sabtiadda [9-ka bishan June] ayaa ka dhacay deegaanka Baar-Saanguuni, kaasi oo ay ku dhinteen ninkii wadey Gaariga qaraxa lagu soo xiray watay iyo labo Askari oo kuwa Jubbaland kamid ahaa.

Saraakiisha Jubbaland ayaa sheegay in Qaraxa uu fashilmay kadib markii Askari kamid ahaa Ilaalada xerada uu markii ka shakiyay Gaariga taasi oo keentay inuu ku qarxo irida saldhigga Ciidamada. [Halkan ka akhri Warka].

Al-Shabaab oo mas'uuliyadda weerarka Ismiidaaminta ah, iyadoo ku faantay inay ku dishay 50 Askari oo ka tirsan ciidamada Jubbaland, balse maamulka Axmed Madoobe ayaa gaashaanka ku dhuftay.

Idaacadda Andulus oo ku hadasha afka Al-Shabaab ayaa baahisay in Ismiidaamiyaha lagu magacaabi Yuusuf Cumar Cali oo ku magacdheer "Foorto" oo ahaa 24 jir, kasoo jeeda beesha Wacdaan Cismaan.

Weerarkan oo khasaarihiisu xadidnaa, ayaa dhacay maalin kadib markii weer hoobiye iyo mid toos ah oo lagu qaadey isla Saldhiggan lagu dilay Askari u dhashay dalka Mareykanka.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay Al-Shabaab baahiso magaca shaqsi weerar u fuliyay, iyadoo sidaan oo kale tiro dhowr jeer ah ay soo bandhigeen magaca, sawirka iyo heebta dagaalame weerar u fliyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pakistan iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca iyo amniga

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyay Pakistan taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 02:28PM

Sheekh Shariif: Ciidamada Qaranka waxaa laga weeciyay dagaalka Al-Shabaab

Khamiistii, ciidamada Puntland ayaa la wareegay saldhig ku yaalla Boosaaso oo ay hore u deganaayeen ciidamo hore loogu yiqiin PSF.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 06:50AM