XOG: Maxaa ka jira in lacag ka timid Qadar oo loo qeybiyay Xildhibaanada?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa soo shaac baxaya warar sheegaya in lacag aan mushahar ama gunno ahayn oo loo qeybinayo Xildhibaanada Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Baaritaan uu Warsidaha Garowe Online sameeyay ayuu ku ogaaday in Xildhibaan kasta la siinayo $5,000 [Shan Kun oo Dollar], taasi oo siyaabo kala duwan loo fasiray ujeedka laga leeyahay iyo qorshaha.

Lacagtan oo aan lasoo marin nidaam xisaabeedka dowliga ama khasanadda Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa waxay wararku sheegayaan in Xildhibaanada loo siinayo si hoose, iyadoo Cash ah [Gacan-saar].

Xogta ayaa sheegaysa in Xildhibaanada mucaaradka ah loogu dhiibayo lacagta loo qoondeeyay kuwa ku dhaw Xukuumadda Khayre, iyadoo lagu saleynayo qaab qabiil ee 4.5.

Boqolkiiba Lixdan iyo Shan [65%] xubnaha Gollaha Wasiiradda ee Hay'adda fulinta waa Xildhibaanno, kuwaasi oo isagu jira Wasiirro, ku-xigeenno iyo Wasiiru dowliyaal, qaar la magacaabay Habeen kahor.

Ra'isal wasaare Khayre ayaa wasiiradii uu magacaabey 24 May, 2018 Halkaan ka akhri oo gaarayey 13 xubnood ayaa 12 kamid ah waxay yihiin Xildhibaano ka tirsan aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka Soomaaliya. Warsidaha Garowe Online ayaa ogaadey inta badan xubnahaan la magacaabey ay kamid ahaayeen xildhibaandii ka qayb qaatey mooshinka xilka looga qaadayey Gudoomiyihii hore ee aqalka wakiilada dowlada Federaalka Soomaaliya kuwasoo abaalmarin lagu siiyey xilalkaan.

Gudoomiyaha cusub ee Gollaha Shacabka, Maxamed Mursal ayaa maalmihii ugu dambeeyay kulamo kula qaadanayay Muqdisho Xildhibaanada aan u codeynin doorashadiisa, si uu kalsoonidooda u kasbado.

Xildhibaan magaciisa ka gaabsaday ayaa Garowe Online u sheegay in Lacagta la bixinayo ay tahay mid lagu kordhinayo taageerada Xildhibaanada siinayaan golaha fulinta, si Xukuumadda aysan caqabad uga imaan dhanka Gollaha Shacabka.

Lacagta sida qarsoodiga loo qeybinayo oo lagu qiyaasay $1.5 million, ayaa la sheegay in Muqdisho timid kadib booqashadii dhawaan Madaxweyne Farmaajo ku tagey magaalada Doha ee xarunta dalka Qadar.

Markii uu Muqdisho dib ugu soo laabtey, Madaxweyne Farmaajo shacabka Soomaaliyeed lama wadaagin xogta safarkiisa Qadar iyo heshiisyadii uu la soo galay madaxda dalkaasi.

Warsidaha Garowe Online ayaa fahansan in sababta loo qariyay ay tahay cabsi laga qabo in maamul goboleedyada dalka ay waydiistaan Farmaajo in qeybtooda laga siiyo lacagta laga soo qaaday Qadar.

Xiriirka maamullada iyo dowladda dhexe ayaanan wanaagsaneyn xilligan, iyadoo labada dhinac ay isku qabteen arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin mowqifka Xukuumadda ee Khilaafka Khaliijka, qeybsiga Khayraadka dalka iyo Dhaqaalaha caalamka ugu deeqo Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM