Somaliland oo Ruqsadii kala noqotay Labo Telefishin
HARGAYSA, Somaliland- Xukuumadda Somaliland gaar ahaan wasaaradda Warfaafinta ayaa shaacisay inay Ruqsadii kala noqdeen Labo Telefishin.
Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, ayaa sheegtay in SBS TV iyo SOMNEWS TV laga mamnuucay inay ka howlgalaan deegaanada ay maamusho.
Waxaa lagu eedeeyay labada TV inay baahiyaan barnaamijyo iyo warbixino guubaabo ah islamarkaana kicinaya dadweynaha kuwaasoo ay ku tilmaamay kuwo Qabiilaysan.
Tallaabada lagu xiray labada Telefishin ayaa timid xilli maamulka Hargaysa uu muddooyinkii dambe lagu eedaynayay inuu caburinayo shacabka ku dhaqan gobolka Sool, kuwaasoo aad uga soo horjeestay qorshaha ay ku joogaan deegaano kamid ah gobolkaas.
Hoos ka Akhriso War-ka lagu xayiray Warbaahintaas oo lagu daabacay Warbaahinta Somaliland gaarka u leedahay ee SOLNA.
Waxa caddaan ah in labada telefishan ee kala ah SBS TV & SOMNEWS TV ay ku kaceen falal olole siyaasadeed iyo dagaal borobagaande cad oo ay ku hayaan qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Telefishanka SBS TV.
Waxa uu caado ka dhigtay telefishanka SBS in uu sameeyo, isla markaasina baahiyo warar iyo barnaamijyo been-abuur ah oo qaawan iyo kicin dadweyne oo fidno abuur ah.
Tusaale cad waxa u ah falalkaas siyaasadeed iyo kicintaas muuqaallada iyo heesaha joogtada ah ee guubaabada ah ee loogu hanjabayo Somaliland, isla markaasi loogu samaynayo borobagaandhe taageero ah Puntland..
Telefishanka SOMNEWS TV.
Sidoo kale telefishanka Somnews TV waxa uu isna si joogto ah u baahiyaa baaqyo kicin iyo guubaabo qabiilaysan, kuwaasi oo fidno ka dhex abuuraya bulshada Somaliland.
Tusaale waxa u ah falalkaas siyaasadeed iyo kicintaas muuqaallada iyo barnaamijyadda qabyaaladaysan oo guubaabo dagaal ah oo ka baxay Somnews TV wakhtiyo kala duwan laga soo bilaabo taariikhdu markay 21 May 2018.
Sidaasi awgeed, waxa muuqata in telifishannadaasi ay lumiyeen dhexdhexaadnimadii iyo dhawristii xeerarka waaqicinimada saxaafadda, sugnaanshaha xogta, iyo anshaxa mihnadda saxaafadda ee laga filayey in ay dhawraan. Isla markaasina, waxa ay jebiyeen Telifishanadaasi shuruudihii laga doonayey hay’ad kasta oo warbaahineed oo ka shaqaynaysa Somaliland inay dhawrto.
Dhinaca kale, waxa ay ku xadgudbeen qodobbo ka mid ah xeerka Saxaafadda No. 27/2004, ee Somaliland, Qodobkiisa 10aad oo qeexaya u hoggaansanaanta Xeerka Saxaafadda ee tilmaamaya raadinta xaqiiqada iyo sugnaanshaha xogta.
Sababahaasi awgood Wasaaaradda Warfaaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland waxay soo saartay amar ay kaga mamnuucayso telifishannadaasi SBS & SOMNEWS in ay ka hawl galaan amma wax shaqo ah ka qabtaan dalkan Somaliland gudihiisa.
Waxana la amrayaa taliyaha ciidanka Booliska, Guddoomiyayaasha gobollada & mayorrada magaalooyinka, in la xidho dhammaan laamaha iyo xafiisyada SBS & SOMNEWS TV ee dhammaan gobollada dalka. Sidoo kalena waxa la mamnuucay in wax shaqaale ah amma suxufiyiin ahi ay warar iyo warbixino uga diraan telifishanadaasi SBS & SOMNEWS Gudaha Somaliland.
Fiiro gaara:
Qof kasta oo u dira SBS & SOMNEWS TV warar iyo warbixino waxa laga qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan.”
GAROWE ONLINE