Soomaaligii u horeeyay oo loo doortey baarlamaanka gobolka Alberta

Image

TORONTO, Canada - Doorashooyinka Barlamaanka gobalka Albert ee dalka Canada oo dhawaan lagu dhawaaqay natiijadooda ayuu markii u horeeysay soo galay xubin Soomaali ah.

Shariif Xaaji oo ka tirsan xisbiga NDP ayaa ku guuleystay kursiga xaafadda Edmonton-Decore isaga oo sheegay in uu wax ka qaban doono meelaha shaqada u baahan.

Xisbiga UCP ayaa ku guuleystay aqlabiyada kuraasta gobalka Albert isaga oo helay 48 kursi waxaana tobankii sano ee u danbeeyay jiray Soomaali u tartantay kuraasta gobalkaas balse waa markii u horeysay ay ku guuleystaan.

Mudanaha la doortay, Shariif Xaaji oo warbaahinta la hadlay ayaa yiri: "Waxaan cod u noqon doonaa soo galootiga". Muhaajiriinta ayaa kamid ah dadka qabta shaqooyinka ugu badan.

Macalimiinta iyo arimaha waxbarashada gobalka ayuu sheegay in uu diiradda saari doono. Isaga oo sii hadlaya ayuu yiri: "Dhaqaalaha, waxbarashadda iyo meelaha shaqada u baahan ayaan xooga saari doonaa".

Soomaalida qurbaha ku kala nool ayaa sanadihii danbe bilaabay dadaalo ay ku doonayaan in ay qayb ka noqdaan matalaadna ka helaan golayaasha dowladaha ay muwaadiniinta ka noqdeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wiil Soomaali labo jir ah oo dhintay isagoo qasab lagu tahriibinayo

Shilkan ayaa ka dhacay English Channel iyadda oo doontooda ay kusii jeeday Ingiriiska.

  • Wararka

    06-10-2024

  • 08:30AM

Jabuuti oo ka hadashay warar laga faafiyay Caafimaadka Geelle

Wasiirka Maaliyadda Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaleh ayaa markii ugu horeysay wuxuu ka hadlay wararkan aadka u faafay.

  • Wararka

    29-09-2024

  • 01:21PM