Soomaaliya iyo Qadar oo kawada hadlay hirgelinta heshiisyo hore

Image
Kulankan ayaa sidoo kale waxaa lagu soo qaadey xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinaca amniga.

DOOXA, Qadar - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Dooxa ayaa Qasriga Madaxtooyada dalkaas kulan kula qaatay Amiirka Qatar, Tamiim Binu Xamad Al Taani.

Xasan Sheekh iyo Tamiim Binu Xamad ayaa kulankooda diirradda ku saaray xoojinta iskaashiga labada dal, amniga iyo dhammeystirka hirgelinta heshiisyadii ay horey u galeen Soomaaliya iyo Qatar, taas oo dhabbaha u xaareyso adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dowladood.

Dhankiisa, Amiir Tamiim Binu Xamad ayaa bogaadiyey guulaha miro-dhalka ah ee laga gaaray dagaalka ka dhanka ah khawaarijta Al-Shabaab, sidda ay sheegtey Villa Soomaaliya.

Bayaanka ayaa intaas ku daray in uu dowladda Soomaaliya ku ammaannay daddallada ay ku bixineyso ka sifeynta dalkeeda argagixisada iyo in ay hormuud u noqoto xasillooni waarta oo ka hirgasha Gobolka Geeska Afrika.

"Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa leh xiriir saaxibtinimo oo qota dheer, kaas oo ku saleysan dardargelinta danaha labada shacab ee maalgashiga, kobcinta dhaqaalaha, waxbarashada, amniga, la dagaallanka argagixisada, iskaashiga siyaasadda iyo diblomaasiyadda ee fagaareyaasha Caalamka," ayaa la raaciyey war-saxaafadeedka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wiil Soomaali labo jir ah oo dhintay isagoo qasab lagu tahriibinayo

Shilkan ayaa ka dhacay English Channel iyadda oo doontooda ay kusii jeeday Ingiriiska.

  • Wararka

    06-10-2024

  • 08:30AM

Jabuuti oo ka hadashay warar laga faafiyay Caafimaadka Geelle

Wasiirka Maaliyadda Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaleh ayaa markii ugu horeysay wuxuu ka hadlay wararkan aadka u faafay.

  • Wararka

    29-09-2024

  • 01:21PM