Suuriya oo dib-u-heshay xubinimada Ururka Jaamacada Carabta
RIYADH, Sacuudiga - Wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka xubnaha ka ah ururka Jaamacadda Carabta ayaa isku raacay in dib loo soo celiyo xubinnimadii Suuriya kadib markii la hakiyay in ka badan 10 sano ka hor, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Ciraaq.
Sidda ku xusan warbixinta, wasiirada oo Axada maanta ah yeeshay fadhi aan caadi ahayn ayaa u codeeyay in Suuriya ay ku soo laabato safka xarunta Jaamacadda Carabta ee Qaahira.
Go’aankan ayaa la qaatay ka hor shir-madaxeedka Jaamacadda Carabta oo lagu qaban doono dalka Sacuudiga 19-ka bishan May, iyadoo toddobaadyadii la soo dhaafay uu caadi ka socday xiriirka gobolka ee Dimishiq.
Xubinimada Suuriya ee Jaamacadda Carabta ayaa la laalay kadib markii madaxweyne Bashar al-Assad uu amar ku bixiyay in la joojiyo dibadbaxayaasha March 2011 kaas oo waddanka u horseeday dagaal sokeeye oo ay ku dhinteen ku dhawaad nus milyan qof ayna ku barakaceen 23 milyan oo kale.
Dib u soo celinta xiriirka Dimishiq ayaa soo dedejisay kadib dhulgariirkii dhimashada badnaa ee 6-dii February ka dhacay Turkiga iyo Suuriya, iyo dib u soo celinta xiriirka Sacuudiga iyo Iran ee Shiinaha dhexdhexaadiyey kaasoo taageeray dhinacyada iska soo horjeeda ee isku haya Suuriya.
Madaxweynaha Iran, Ebrahim Raisi oo si weyn u taageera Al-Assad, ayaa sidoo kale booqday Dimishiq usbuucii hore, isagoo saxiixay heshiisyo ganacsi iyo shidaal oo waqti dheer ah.
Jordan, Kuwait iyo Qatar ayaa ka soo horjeestay joogitaanka al-Assad ee shir madaxeedka Jaamacadda Carabta, iyagoo sheegay in martiqaad ka hor Dimishiq ay aqbasho in laga wada xaajoodo qorshe nabadeed uu noqon doono mid degdeg ah.
Dhanka kale, Mareykanka ayaa sheegay in uusan waxba ka bedeli doonin siyaasadiisa ku wajahan dowladda Suuriya oo uu u arko in ay tahay dowlad “qaran” ah, waxa uuna ku booriyay dowladaha Carabta in ay helaan wax ay ku badalan karaan la macaamilka Al-Asad.
GAROWE ONLINE