Suuriya oo kusoo laabanaysa ururka Jaamacada Carabta
QAAHIRA, Masar - Magaalada Camaan ee xarunta dalka Jordan ayaa la filayaa in maalinta barito ah ay afar kamid ah wasiirada arimaha dibadda dalalka Carabta shir kula yeeshaan dhiggooda Suuriya.
Wasiirada Arimaha Dibada ee dalalka Jordan, Sucuudiga, Masar iyo Ciraaq ayaa lagu waddaa barito in ay shir wadatashi ah kula yeeshaan Camaan dhiggooda dalka Suuriya, Feysal Al-miqdaad.
Kulankaan ayaa dhamaystir u ah is-arag ka dhacay magaaladda Jidda 14 April 2023 kaasi oo ay ka qayb galeen dalalka Khaliijka oo ay wehliyaan Masar, Jordan iyo Ciraaq.
Wadaxaajoodkaas ayaa waxa uu ku saabsanaa soo jeedin ka timid dalka Urdun oo ah xal-u-helista qadiyadda dalka Suuriya iyo sidii loo heli lahaa xal ka yimaada gudaha dalalka Carabta.
Wadahadalkan ayaa imaanaya xilli dhawaan wasiirka arimaha dibada Sacuudi Carabiya uu booqasho taariikhi ah ku tagay Sucuudiga iyo Masar markii ugu horaysay tan 2011.
Sidoo kale, Boqortooyada Sucuudiga ayaa waxay ku dhawaaqdey in ay doonayso in ay dib u furto xiriirka qunsuliyadaha labada dal kaasoo hakad ku jiray muddo sanado ah.
19 May 2023 ayaa la filayaa in magaalada Riyadh ee Boqortooyada Sucuudiga uu ka furmo shirka dalalka Jaamacada Carabta iyada oo lagu wado in dalka Suuriya uu xubinnimadiisa si rasmi ah usoo ceshto.
GAROWE ONLINE