Tahriibeyaal ay Soomaali ku jiraan oo ku dhintey doon degtay

Image
Doontan oo dhowr maalmood ka hor ka soo shiraacday dalka Turkiga kuna wajahneyd Talyaaniga.

ROMA, Italy - Ugu yaraan 59 qof oo tahriibayaal ah oo ay ku jiraan 12 caruur ah ayaa ku dhintay tobonaan kale waxaa laga cabsi qabaa in la la’ayahay kadib markii doonidii ay la socdeen ay kula degtay badda kacsan ee koonfurta Talyaaniga.

Doonta ayaa kala go’ay xilli darawalka uu isku dayayay inuu ku dago meel u dhow magaalo xeebeedka Crotone ee gobolka Calabria. Badbaadayaashu waxay sheegeen in ugu yaraan 150 qof ay saarnaayeen.

"Qaar badan oo iyaga kamid ah ayaa kasoo cararayay xaalado adag," ayuu yiri madaxweynaha Talyaaniga. Wasiirka arrimaha gudaha Matteo Piantedosi, oo goobta booqday, ayaa sheegay in ilaa 30 qof laga yaabo in wali la la’yahay.

Ilmo yar oo loo malaynayo inuu jiray dhawr bilood ayaa ka mid ah dadka dhintay, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Talyaaniga ee Ansa. Meydadka ayaa laga soo saaray xeebta meel loo tamashle tago oo u dhaw.

Ciidamadda Ilaalada xeebaha ayaa hoosta ka xariiqay in 80 qof la helay iyagoo nool, "oo ay ku jiraan qaar ay u suurtagashay in ay gaaraan xeebta ka dib markii ay degeen".

Ma cadda tirada saxda ah ee dadka la socday doonta markii ay kala go’day. Shaqaalaha gurmadka ayaa AFP u sheegay in doonida ay saarnaayeen in ka badan 200 oo qof, taasi oo ka dhigan in in ka badan 60 qof aan la ogeyn halka ay ku dambeeyeen.

Doontan oo dhowr maalmood ka hor ka soo shiraacday dalka Turkiga ayaa waxaa la socday dad u kala dhashay dalalka Afghanistan, Pakistan, Soomaaliya iyo Iran, sidda ay ku warantey BBC-da.

Tiro badan oo dad ah oo ka soo cararay colaadaha ama faqriga ayaa ka tahriiba Afrika una gudba Talyaaniga sannad kasta. Qaramada Midoobay waxay qiyaastey in dadkaas ay u baahan yihiin in nolosha dalalkooda wax laga badalo si ay u badbaadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wiil Soomaali labo jir ah oo dhintay isagoo qasab lagu tahriibinayo

Shilkan ayaa ka dhacay English Channel iyadda oo doontooda ay kusii jeeday Ingiriiska.

  • Wararka

    06-10-2024

  • 08:30AM

Jabuuti oo ka hadashay warar laga faafiyay Caafimaadka Geelle

Wasiirka Maaliyadda Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaleh ayaa markii ugu horeysay wuxuu ka hadlay wararkan aadka u faafay.

  • Wararka

    29-09-2024

  • 01:21PM