Taliska ATMIS oo qaatay qorshaha amni ee waddo-qardaynta

Image
Qorshahan amni oo markii hore ka bilowday Jubbaland ayaa hadda ku fidaya qeybaha kale ee dalka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Qorshe cusub oo waddooyinka lagu qardaynayo si loo yareeyo halista ka imaata weerarada Al-Shabaab ayaa dhowrkii todobaad ee lasoo dhaafaya soo if-baxaya, sidda ay sheegeen illo xog-ogaal ah.

Sidda laga soo xigtey macluumaadka horudhaca ah, qorshahaasi waxaa hogaamintiisa qaatay hawlgalka ku-meel-gaarka ah ee nabad ilaalinta Midoowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).

Qorshahan amni oo markii hore ka bilowday Jubbaland ayaa hadda ku fidaya qeybaha kale ee dalka, waxaana markii ugu horeysey laga fuliyay gobolka Shabeelaha Hoose, sida lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay ATMIS.

Jid 9 kiilo mitir ah ayay ATMIS ka jeexday inta u dhaxaysa tuulada Buufoor iyo Janaale, halkaasi oo noqonaysa marinka ugu muhiimsan ee hawlaha gargaarka, ganacsiga, iyo isu socodka deegaanada dadka ay ku badanyihiin ee gobolkaasi.

Sida uu sheegay Charles Asiimwe oo ah taliyaha ururka 37-aad ee ciidamada Uganda ee Soomaaliya jooga, waxaa wadada hareerada in masaafo ah laga jaray dhirtii ku tiilay, taas oo Al-shabaab u sahli jirtay in ay ku dhuuntaan, soona qaadaan weeraro gaadmo ah.

"Waxa kale oo la simay waddada, laguna shubay ciid iyo jaay, taas oo iyana adkaynaysa in Al-Shabaab ay miinooyin aanan la arki karin ku aasaan," ayuu qoraalka ku sheegay Asiimwe.

Wadadan oo ka timaada Janaale ayaa sidoo kale isku xirta Afgooye illaa Carbiska, waana marinada ugu muhiimsan aagaasi. Khuburadda ammaanka waxay rumeysan yihiin in qorshahan uu yahay mid meelmar ah haddii aad loo baahiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wiil Soomaali labo jir ah oo dhintay isagoo qasab lagu tahriibinayo

Shilkan ayaa ka dhacay English Channel iyadda oo doontooda ay kusii jeeday Ingiriiska.

  • Wararka

    06-10-2024

  • 08:30AM

Jabuuti oo ka hadashay warar laga faafiyay Caafimaadka Geelle

Wasiirka Maaliyadda Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaleh ayaa markii ugu horeysay wuxuu ka hadlay wararkan aadka u faafay.

  • Wararka

    29-09-2024

  • 01:21PM