Talyaaniga oo balanqaad horleh u sameeyay dowladda Soomaaliya
ADDIS ABABA, Ethiopia - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Addis Ababa kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga, Giorgia Meloni.
Is-araggan ayaa, sidda laga soo xigtey war-saxaafadeed kasoo baxay Villa Soomaaliya, waxa uu horudhac u ahaa shirka saddex-geesoodka dalalka Soomaaliya, Talyaaniga iyo Itoobiya.
Xasan Sheekh ayaa "la wadaagay Ra’iisul Wasaare Meloni qorsheyaasha hirgalay ee dalka lagaga xoreynayo argagixisada iyo muhiimadda ay u leedahay gobolka iyo guud ahaan caalamka xasilloonida Soomaaliya".
"Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in guulo wax ku ool ah laga gaaray wajiga koowaad ee howlgalka dalka lagaga xoreynayo argagixisada, dhawaanna uu bilaabanayo howl-gal wadajir ah," ayay raacisay Villa Soomaaliya.
Howlgalka wajiga labaad waxaa qeyb ka ah dalalka safka hore ee dariska la ah Soomaaliya, "maadaama ay khatarta argagixisada, dhibaatada ay u geysanayaan dadka rayidka ah iyo caqabadda ay ku yihiin horumarka ay wada saameysay Gobolka Geeska Afrika".
Dhankeeda, Giorgia Meloni ayaa "Madaxweynaha iyo dowladda Soomaaliyeed ku bogaadisay tallaabooyinka muuqda ee loo qaaday dhanka xasilinta iyo dowlad dhiska," ayaa lagu daray bayaanka.
Meloni ayaa "waxay soo bandhigtey garab istaagga dowladdeeda ee ku aaddan xaqiijinta hiigsiga shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ugu horreeyaan Soomaaliya nabad ah iyo Soomaali heshiis ah".
GAROWE ONLINE