Tirada ajaaniibta ku dhimatay dhul-gariirka Turkiga oo la shaaciyey
ANKARA, Turkey - Illaa 6,600 oo qof oo ajaanib ah, una badan Suuriyaan, ayaa ku dhintey dhulgariirrada Turkiga, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha ee Turkiga Suleyman Soylu oo shir jaraa’id qabtay Isniintii.
"Dhimashadu guud illaa hadda waa 48,448. Waxaa ku jira 6,600 oo ajaanib ah dadka ku dhintay dhulgariirka, intooda badan waa walaalaheen Suuriya," ayuu xusay, sida ay sheegtay TASS.
Sida laga soo xigtay Soylu, mas'uuliyiinta Turkiga ayaa qorsheynaya in ay ka sameeyaan xeryo konteenar ah oo ku yaala meelaha dhulgariirku ku dhuftay kuwaas oo awood u leh inay qaadaan in ka badan 115,500 oo qoys.
Dhulgariirada oo cabiradoodu kala ahaa 7.7 iyo 7.6 laguna qiyaasay nidaamka Richter Scale ayaa ku dhuftay gobolka Kahramanmaras ee dalka Turkiga 6-dii February.
Dhul-ruxankan oo ay daba socdeen boqolaal gariir ayaa laga dareemay 11 gobol oo Turkiga ka tirsan, iyo sidoo kale dalalka dariska ah oo ay ku jirto Suuriya halkaasoo si lamid ah waxyeelo aad u xooggan ay ka geysteen.
GAROWE ONLINE