Tirada dadka u dhintey cudurka duumada 2021-kii oo la shaaciyey
NEW YORK, United States of America - In kasta oo uu yahay cudur laga hortegi karo, lana daaweyn karo, haddana duumadda waxay dishay 619,000 oo qof sannadkii 2021, sidda ay sheegtay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO.
Cudurkan halista ah ayaa inta badan ku fida qaniinyada qaar ka mid ah kaneecada Anopheles ee dhedigga ah ee cudurka qaba oo inta badan laga helo wadamada kulaylaha ah.
Calaamadaha ugu horreeya ee lagu arko qofka uu ku dhaco waa kuwo fudud oo la mid ah cudurro badan oo qandho leh, oo ay adag tahay in lagu ogaado in ay tahay Malaariya. Haddii aan la daweyn 24 saacadood gudahood, waxay keeneysaa geeri.
Warbixintii ugu dambeysay ee tirokoobka Duumada Adduunka ee ay sameysay WHO waxay muujineysaa in 247 milyan oo xaaladood oo duumo ah ay dhaceen 2021 marka la barbar dhigo 245 milyan oo la diiwaan-geliyey sanadkii 2020.
"Qiyaasta tirada dhimashada duumada ayaa hoos u dhacday 619,000 sanadkii 2021 halka 2020 ay ahayd 625,000," ayaa lagu yiri warbixinta oo lala wadaagay xarumaha warfidiyeenadda.
Warbixinta ayaa intaas ku dartey: "Labadii sano ee kasii horeysay, carqaladaha la xiriira safmarka Covid19 ayaa horseeday illaa 13 milyan oo kiis oo duumo ah iyo 63,000 oo kale oo ay u dhinteen duumada".
"Qaaradda Afrika wuxuu sii wadaa inuu sido saami aan qiyaas lahayn oo ah culeyska duumada adduunka iyadoo gobolka uu hoy u ahaa ilaa 95% dhammaan kiisaska duumada iyo 96% dhimashada 2021," ayay raacisay WHO.
Carruurta da'doodu ka yar tahay shan sano ayaa, sidda laga soo xigtey warbixinta, waxay noqdeen qiyaastii 80% dhammaan dhimashada lala xiriiriyey cudurka duumada guud ahaan mandiqadda.
Sida laga soo xigtay warbixinta, afar waddan oo Afrikaan ah ayaa ka badan kala bar dhammaan dhimashada duumada adduunka oo dhan: Nigeria (31.3%), Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (12.6%), Tansaaniya (4.1%), iyo Niger (%3.9).
GAROWE ONLINE