Toddobo Soomaali ah oo kasoo muuqdey maxkamad ku taalla Kenya
NAIROBI, Kenya - Maxkamad ku taal magaalada Eldoret ee Kenya ayaa u ogolaatay dambi-baarayaasha hoostaga qeybta booliska ee ka hortagga argagixisada in ay sii hayaan toddobo qof oo Soomaali ah muddo shan maalmood ah.
Sida laga soo xigtay taliska booliska, tuhmanayaasha ayaa looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen fal-dambiyeedyo ka hor imaanaya sharciga la dagaalanka argagixisadda ee lambar 30 ee 2012.
Eedeysanayaasha ayaa magacyadooda lagu kala sheegay C/qaadir Cali Xuseen, Ceyruus Maxamuud, Axmed Kooshin, Liibaan Cabdi Sugule, Naciima Yuusuf Axmed, Fartum Sugule iyo Leylo Abshir.
Taliska Booliiska ayaa lagu waramay in uu ka codsaday maxkamada in loo ogolaado in eedeysanayaasha lagu sii hayo saldhiga dhexe ee Eldoret shanta maalmood ee soo socota.
Dhammaantood ayaa waxaa lasoo qabtey Abriil 15, 2023, markii su'aalo la waydiiyayna, badidood way awoodi waayeen in ay ku hadlaan afka Kiswahili iyo Ingiriis midna.
"Maadaama eedaysanayaasha aysan ka soo horjeedin codsiga sarkaalka baarista, maxkamaddan ayaa amartay in lagu hayo saldhigga booliiska Eldoret shan maalmood si ay booliiska awood ugu yeeshaan inay soo gabagabeeyaan baaritaankooda," ayuu ku amray garsooraha.
Dhacdadan ayaa kusoo beegmeysa xili saraakiisha socdaalka Kenya ay ku sugan yihiin xuduudka Somalia iyo Ethiopia ee Mooyaale, kadib markii ay soo bateen soo galooti sharci darro ah oo ka kala yimid Somalia, Eritrea iyo Ethiopia.
Kiiskan ayaa dib loo dhageysan doonaa Abriil 24, 2023. Tirakoob ay soo saartay waaxda socdaalka ayaa sheegaysa in Mooyaale ay ku soo qulqulayeen dad ajaanib ah oo dalka soo galayay tan iyo bishii September ee sanadkii 2018.
GAROWE ONLINE