Uganda: Hadafkeena nagama leexin doono weerarkii Buulo Mareer

Image
Danjiraha xukuumada Kampala u fadhiya Muqdisho ayaa sheegay in gulufkaas uusan niyad-jabin doonin askartooda.

KAMPALA, Uganda - Ciidamadda Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaan niyad-jabi doonin inkastoo 54 askari looga dilay bishii hore koonfurta Soomaaliya, sidda uu sheegay ergay Talaadadii.

Ku-simaha Safiirka Uganda ee Soomaaliya, Nathan Mugisha, ayaa xusay in ciidamada Uganda ay weli ku adkeysanayaan go’aankooda ah in ay gutaan waajibaadka ATMIS-ta, isla markaana weerarkii bishii hore aanu ka leexin doonin dadaalkooda xasilinta.

“Jawiga waa xasiloon yahay, dib-u-qiimeyn ayaa ku sameyneynaa [falka], waxaana ku soconeynaa sidii loogu talagalay,” ayuu Mugisha ku yiri hadal uu ka soo saaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Danjirahan Uganda ayaa hadalkan sheegay kadib markii uu booqday askar ka soo kabanaysa dhaawaca kuna jirta isbitaal ku yaalla magaalada Muqdisho halkaasoo la dhigay kaddib weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen saldhigga Buulo Mareer oo ay degan yihiin ATMIS 26-kii bishan.

Mugisha ayaa tibaaxay in ciidamada Uganda ay sii wadi doonaan caawinta fududeynta hanaanka xasilinta Soomaaliya, isla markaana ay garab istaagi doonaan dowladda, ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo shacabka si ay u helaan xasilooni, horumar dhaqaale iyo isbedel.

Sabtidii, madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni oo qoraal dheer ku daabacay ciwaankiisa Twitter-ka, ayaa waxa uu ku dhawaaqay dhimashada 54 askari oo Ugandan ah.

Mugisha oo uu wehliyo Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Mohammed El-Amine Souef iyo mas’uuliyiin kale, ayaa laga dhageystay warbixin ku saabsan sida ay u soo kabsadeen askarta, waxaana dadkii u baahnaa daryeel gaar ah loo qaaday isbitaallo dibadda ah gaar ahaan magaalada Nairobi.

Souef oo war qoraal ah soo saarey kadib weerarkaas ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in xaaladda askarta dhaawaca ah ay soo hagaageyso, niyadana ay aad u sareyso.

“Waxaan fursadan uga faa’ideysaneynaa inaan muujino dareenkeena iyo wadajirkeena, waxaana sidoo kale tacsi u diraynaa dowladda iyo shacabka Uganda dadkii ku dhintay todobaadkii lasoo dhaafay hore,” ayuu hadalka raaciyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wiil Soomaali labo jir ah oo dhintay isagoo qasab lagu tahriibinayo

Shilkan ayaa ka dhacay English Channel iyadda oo doontooda ay kusii jeeday Ingiriiska.

  • Wararka

    06-10-2024

  • 08:30AM

Jabuuti oo ka hadashay warar laga faafiyay Caafimaadka Geelle

Wasiirka Maaliyadda Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaleh ayaa markii ugu horeysay wuxuu ka hadlay wararkan aadka u faafay.

  • Wararka

    29-09-2024

  • 01:21PM