UN-ka oo baaq kasoo saarey degaanada laga saarey Al-Shabaab

Image
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay xoreysay in ka badan 70 degaan ayna dishay ku dhowaad 2,000 Al-Shabaab ah.

NEW YORK, United States - Maleyshiyaadka xagjirka ah ee Al-Shabaab ayaa weli khatar weyn ku ah nabadda iyo ammaanka Soomaaliya, sidda ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dalka, Anita Kiki Gbeho, ayaa Arbacadii u sheegtay Golaha Ammaanka, in sanadkii hore in boqolkiiba 60 ay kordheen khasaaraha dadka rayidka ah marka loo eego 2021, taasoo ka dhigaysa sanadkii ugu dhimashada badnaa ee soo mara rayidka tan iyo 2017-kii.

Ms. Gbeho ayaa xustey in Dowladda Federaalka ay horumar ka sameysay bilihii la soo dhaafay iyada oo bartilmaansanaysa howlgallada militariga iyo dhaqaalaha ee kooxda, iyo sidoo kale gulufka dhank fikirka.

Ciidamada Amniga Soomaaliya oo taageero ka helaya dadka degaanka, ayaa hawlgalo ka dhan ah Al-Shabaab waxa ay ka sameeyeen laba Gobol, waxaana la filayaa inay si tartiib tartiib ah ugu dhaqaaqaan deegaano kale.

"Xoojinta guulaha laga gaaray goobaha cusub ee dib loo soo kabtay waxay u baahan doontaa xiriir adag oo ka dhexeeya hawlgallada milatari iyo hindisayaasha xasilinta, oo ka kooban qaybaha dib-u-heshiisiinta iyo caddaaladda oo looga golleeyahay in lagu xoojiyo maamul-wanaagga iyo bixinta adeegga," ayay tiri.

Taageeradda Beesha Caalamka gaar ahaan Mareykanka iyo Turkiga ayaa si weyn uga dhex-muuqdey howlgaladda waxaana ay bixinayeen taakuleyn dhanka cirka ah ama duqeymo.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay xoreysay in ka badan 70 degaan ayna dishay ku dhowaad 2,000 maleyshiyaad Al-Shabaab ah. Balse, lama xaqiijin karo sheegashadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wiil Soomaali labo jir ah oo dhintay isagoo qasab lagu tahriibinayo

Shilkan ayaa ka dhacay English Channel iyadda oo doontooda ay kusii jeeday Ingiriiska.

  • Wararka

    06-10-2024

  • 08:30AM

Jabuuti oo ka hadashay warar laga faafiyay Caafimaadka Geelle

Wasiirka Maaliyadda Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaleh ayaa markii ugu horeysay wuxuu ka hadlay wararkan aadka u faafay.

  • Wararka

    29-09-2024

  • 01:21PM