Wadahadal xal looga raadinayo xiisadda Garowe oo lagu dhawaaqay
GAROWE, Puntland - Odayaasha maamul goboleedka Puntland oo saxaafadda u waramay ayaa waxay ku dhawaaqeen in labada dhinac ee isku-haya dagaalka ka dhacay magaala madaxda Garowe ay aqbaleen in la joojiyo dagaalka.
Islaan Ciise Islaan Maxamed oo war-fidiyeenka ugu waramay caasimadda Garowe ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in darafyadda ay isku afgarteen in ciidanka ay dib ugu celiyaan xeryahooda.
"Talaabada xigta waa in wada hadal la furo, xalna loo helo khilaafka," ayuu yiri. Islaanka waxa uu carabka ku adkeeyay in wadaxaajoodyadda ay degdeg u bilaaban doonan.
Inta la og-yahay 10 qof ayaa ku geeriyootay dagaalka maanta ka dhacay magaalada Garoowe. Wararka waxay intaas ku darayaan dhaawacyadda ay ka badan tahay illaa 20 ruux.
Isku-dhacan hubeysan ayaa waxa uu kusoo hagaagay iyadoo uu jiro khilaaf u dhexeeya hogaamiyaha waqtiga ka dhacayo Saciid Deni iyo mucaaradkiisa kuwaasoo ku eedeeyay doonista ku darsi.
Dhanka kale, taliyihii Ilaaladda Madaxweynaha Puntland ee Qardho, Cabdifitaax Warsame Rooti, ayaa lagu waramay in uu kamid noqdey dadka ku geeriyoodey is-rasaaseynta.
Gacan ka hadalkan ayaa ah natiijo ka dhalatay xiisad siyaasadeed oo xal looga gaari waayay miiska wadahadalka. Deni iyo mucaaradkiisa ayaa isku-maan-dhaafsan doorashada madaxtinimada oo dhaceysa Janaayo sanadka 2024-ka.
GAROWE ONLINE