Wajiga labaad ee gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab oo la muddeeyay
MUQDISHO, Soomaaliya - Wajiga labaad ee howlgalada ciidamadda Soomaaliya ee ka dhanka ah maleyshiyaadka Al-Shabaab ayaa bilaaban doona bartamaha bisha Ramadaan, sida ay sheegtey dowladda federaalka.
Kamaal Daahir Xasan Guutaale, oo ah la taliyaha amniga Qaranka ee Ra'iisul Wasaare Hamza Cabdi Barre, oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa ka shan-qarxiyey "in uu socdo diyaar-garow adag".
"Waxaa jira diyaargarow adag oo ay wadaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo dhammaan ciidamada kale ee howlgallada ballaaran inta lagu guda jiro bisha Ramadaan," ayuu yiri.
Mar wax laga waydiiyey rajadda ay qabaan hogaanka Soomaaliya, Guutaale ayaa intaas ku daray: "Ilaah idamkii, waxaan rajeyneynaa in ciidamada Soomaaliya ay gaari doonaan [guul weyn]". Shacabka ayaa si lamid ah leh rajo.
Dhanka kale, Guutaale ayaa hoosta k xariiqay in heshiiska qaab-dhismeedka ammaanka qaranka ee dhowaan ay Baydhabo ku gaareen madaxda Soomaaliya uu u adeegayo bixitaanka ciidamadda ATMIS.
"Dowladda Soomaaliya waxay xoogga saaraysaa sidii mas'uuliyadaha amniga looga wareejin lahaa ATMIS (Howlgalka KMG ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya) oo dalka ka jiray wax ka yar 15 sano," ayuu VOA-da u sheegay Kamaal Daahir Xasan Guutaale, oo ah la taliyaha amniga Qaranka ee Ra'iisul Wasaare Hamza Cabdi Barre.
Wuxuu raaciyey: "Bartilmaameedka ayaa ah in December 2024 askariga ugu dambeeya ee AU uu dalka ka baxo. Tani waxay muhiim u tahay in Soomaaliya ay ka soo baxdo mas’uuliyadeeda amniga".
Guutaale oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaas ku daray in ciidamada qalabka sida ee ka tirsan gobollada ay u adeegsan doonaan xasilinta iyo haynta meelaha lagala wareegay maleeshiyada xagjirka ah ee Al-Shabaab.
GAROWE ONLINE