Weeraro gaadmo ah oo lagu khaarijiyey in ka badan 70 qof rayid ah

Image
Colaadan ayaa la rumeysan yahay in ay salka ku hayso is-qabqabsi dhul-daaqsimeed.

ABUJA, Nigeria - Ugu yaraan 74 qof ayaa lagu dilay labo weerar oo kooxo hubeysan todobaadkan ka fuliyeen gobolka Benue ee waqooyiga bartamaha dalka Nigeria, sida ay sheegeen saraakiisha deegaanka iyo booliiska.

Rabshado ayaa gobolka ku soo batay sanadihii ugu dambeeyay iyadoo kororka dadweynuhu uu horseeday fiditaanka dhulka loogu talagalay beerashada taasoo meesha ka saartey dhul daaqsimeedka.

Afhayeenka booliiska gobolka Benue, Catherine Anene, ayaa sheegtay in 28 mayd laga soo saaray xero ay ku nool yihiin dad gudaha ku barokacay oo ku taal deegaanka dawladda hoose ee Mgban fiidnimadii Jimcaha iyo subaxnimadii Sabtida.

Ilaa hadda si rasmi ah looma oga waxa ka dambeeyay weerarka, balse goob joogayaal ayaa sheegay in rag hubeysan ay goobta soo gaareen, kadibna ay rasaas bilaabeen, waxaana halkaasi ku dhintay dad badan.

Madaxweyne Muhammadu Buhari ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku cambaareeyay falkan, wuxuuna faray ciidamada ammaanka inay kordhiyaan ilaalinta goobaha ay dhibaatadu ka dhacday.

Weerarkan ayaa daba socday dhacdo kale oo Arbacadii laga soo tabiyey tuulada Umogidi ee fog ee ismaamulka Otukpo. Dad looga shakisan yahay inay xoolo dhaqato ah yihiin ayaa dilay dad ku sugnaa isla aaggaas.

Bako Eje, oo ah gudoomiyaha Otukpo, ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in ay ku daba-jiraan gacan-ku-dhiigleyaasha wallow uusan si gaar ah u carabaabin kooxda ka dambeysay weerarkaas.

Benuwe ayaa ka mid ahayd gobolada ay sida ba’an u saamaysay khilaafaadyo u dhexeeya xoolo-dhaqatada reer guuraaga ah iyo beeralayda xoola dhaqatada ah kuwaas oo isku-eedeynaya in midba kan kale uu ku xadgudbay hantidiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wiil Soomaali labo jir ah oo dhintay isagoo qasab lagu tahriibinayo

Shilkan ayaa ka dhacay English Channel iyadda oo doontooda ay kusii jeeday Ingiriiska.

  • Wararka

    06-10-2024

  • 08:30AM

Jabuuti oo ka hadashay warar laga faafiyay Caafimaadka Geelle

Wasiirka Maaliyadda Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaleh ayaa markii ugu horeysay wuxuu ka hadlay wararkan aadka u faafay.

  • Wararka

    29-09-2024

  • 01:21PM