Wiil uu dhalay Xildhibaan hore oo loo xiray dilka gabdho Soomaali ah
WASHINGTON, USA - Wiil uu dhalay wakiilkii hore ee gobolka Minnesota ayaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta in uu mas'uul ka yahay shilka baabuur ee ay ku dhinteen shanta gabdho ee u dhashay Soomaaliya.
Derrick John Thompson, oo 27 jir ah, kuna nool Brooklyn Park, ayaa lagu soo oogay 10 dacwadood oo ah in uu gaari jiirsiiyey hablahan oo isku-diyaarinayay ka qeybgalka arooska saaxiibtooda.
Shilkan ayaa waxa uu dhacay habeenkii jimcaha todobaadkii hore, sidda uu shaaca ka dhigay xeer ilaaliyaha degmada Hennepin Mary Moriarty kaas oo warbaahinta la hadlay.
Thompson waa wiilka uu dhalay xildhibaankii hore ee gobolka Minnesota, John Thompson. Eedeysanaha oo haatan xabsi ku jira ayaa waxaa la filayaa in dhowaan maxkamad lasoo taago.
Cadeymo dheeri ah ayaa weli la baadigoobayaa si loogu maxkamadeeyo dacwadda lagu soo oogay. Arrimaha la baarayo waxaa kamid ah dhiig lagu arkay suunka kursiga gaariga hablaha.
Magacyadda gabdhaha geeriyoodey ayaa kala ah; Siham Adan Odhowa oo 19 jir ah, Sahra Liibaan Geesaade, 20 jir, Sabiriin Mohamoud Ali, 17, Sagal Burhaan Hersi, 19, iyo Salma Mohamed Abdikadir, 20-jir.
Geerida hablahan ayaa si weyn waxay u taabatay quluubta dadka Soomaaliyeed ee ku nool dhulka Soomaalida iyo gudaha Mareykanka, waxaana ay dadka ka hadlayaan mustaqbalka wanaagsan ee hablahan ay lahaayeen.
GAROWE ONLINE