Xamse Cabdi Barre: Midowga Yurub waa saaxiib la isku halleyn karo
MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa daahfuray geeddi-socod wadashaqayned oo dhabaha u furaya iskaashi cusub oo dhexmara labada sano ee soo socota.
Geeddi-socodkan oo ka dhashay dadaallo heerkoodu sarreeyo iyo wadaxaajood farsamo oo bilihii la soo dhaafay dhex marayey Muqdisho iyo Brussels, ayaa waxaa looga golleeyahay in dhidibada loogu aaso xiriir ku dhisan iskaashi iyo wax-wada-qabsi dhexmara labada dhinac.
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo hadal ka jeediyey daah-furka ayaa bogaadiyay tallaabadan taariikhiga ah, isaga oo muujiyay ahmiyadda uu ku fadhiyo dadaalkan lagu xoojinayo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub.
"Qorshahan wadashaqaynta ah ee maanta la daahfuray wuxuu jidka u farayaa xiriir cusub, wuxuuna caddeyn u yahay sida ay inooga go’an tahay in aan iskaashigan uga faa'iideysano si waxtar u leh shacabkeenna, islamarkaana la xaqiijiyo in faa'iidadiisu gaarto dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed," ayuu yiri.
Wuxuu raaciyey: "Midowga Yurub waa saaxiib la isku halleyn karo oo aan la leenahay iskaashi dhow, waxaana hubaa in geeddi-socodkan Wadashaqayneed uu horseedi doono horumar ballaaran oo laga gaaro arrimaha muhiimka u ah dowlad dhiska, amniga, nabadgelyada, koboca dhaqaalaha iyo daadajinta adeegyada dowladda".
Mr. Josep Borrell Fontelles oo ah Wakiilka Madaxweyne Ku-Xigeenka Midowga Yurub, ayaa dhankiisa soo dhoweeyay saxiixa Geeddisocodka Wadashaqaynta ee dhexmaray Soomaaliya iyo Midowga Yurub.
Dowladda Federaalka ayuu ku ammaanay guulaha ay ka gaartey nabaddeynta iyo horumarinta dalka, si shacabka Soomaaliyeed ugu tillaabsado nabad waarta iyo baraaro.
"Midowga Yurub iyo Soomaaliya waxay jaal ahaayeen muddo dheer iyada oo hannaankan loo dhan yahay ee lagu qeexay arrimaha hortabinta u leh labada dhinac uu tusaale u yahay in iskaashigeennu miradhal noqonayo," ayuu yir.
Fontelles ayaa waxa uu intaas raaciyey: "Midowga Yurub iyo Soomaaliya waxay iska kaashanayaan suurtogelinta nabad waarta, amni iyo horumar iyada oo la raacayo nidaam ku saleysan qawaaniinta caalamiga ah".
GAROWE ONLINE