Xamse: Waxaan tijaabanynaa iimaanka Mukhtaar Rooboow

Image
Hadalkan ayuu ka shanqariyey xilli uu ka hadlayay qadiyadda Xajka sanadkan 2023-ka ee calawsan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda federaala ah ee Soomaaliya Xamse Cabdi Bare ayaa markii ugu horeysey waxa uu ka hadlay qaddiyadda Xajka ee aadka u calawsan.

Xamse ayaa sheegay in wasaaradda diinta iyo awqaafta iyo wasiirkeeda Mukhtaar Rooboow ay mas’iil ka yihiin hawlaha xajka iyo guud ahaan arrimaha diinta oo uu sheegay in ay tahay wax ugu muhiimsan dowladnimada Soomaaliya.

Wasiirka koowaad ee xukuumadda ayaa sidoo kale waxa uu si dadban uga hadlay khilaaf ka dhex taagnaa wasiir Rooboow iyo ku xigeenkiisa oo isku hayay guddi loo saaray hawlaha Xajka.

Abuu Mansuur ayuu hoosta ka xariiqay la tijaabinayo iimaankiisa, lana doonayo in uu isku haya dhammaan dariiqooyinka diinta, iyada oo aanan midna si gaar ah loo xigsanaynin.

Dhinaca kale, Ra'iisul Wasaare Xamse ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in isbaaro loo dhigto dadkii xag Alle usii socday si ay usoo gutaan waajibkooda diiniga ah.

Si lamid ah, wax lala yaabo ayuu ku qeexay in ay tahay in dalalka dariska xajka lagu aado lacag dhan $1500, balse Soomaaliya uu xajka sii marayo wax ka badan shan kun oo doolar.

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta oo uu wehliyo guddiga maamulka arrimaha Xajka ayuu kula dardaarmay adeeg hufan, arrinkana lagu tijaabinayo sanadkan 2023-ka sidda ay u wajahaan. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wiil Soomaali labo jir ah oo dhintay isagoo qasab lagu tahriibinayo

Shilkan ayaa ka dhacay English Channel iyadda oo doontooda ay kusii jeeday Ingiriiska.

  • Wararka

    06-10-2024

  • 08:30AM

Jabuuti oo ka hadashay warar laga faafiyay Caafimaadka Geelle

Wasiirka Maaliyadda Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaleh ayaa markii ugu horeysay wuxuu ka hadlay wararkan aadka u faafay.

  • Wararka

    29-09-2024

  • 01:21PM