Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay madaxweynaha Imaaraadka
MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa Arbacadii waxa uu kulan la yeeshay dhigiisa dalkaas ee Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan.
Sidda ay shaacisay wakaaladda wararka ku hadasha afka waddankan Carbeed, labada mas'uul ay kawada hadleen "xiriirka joogtada ah ee ka dhaxeeya labada dowladood".
Hogaamiyeyaasha ayaa, sidda ku cad warbixinta, waxay si gaar ah waxay diiradda u saareen "dhinacyada iskaashiga, gaar ahaan sidii kor loogu qaadi lahaa horumarka iyo xasilloonida Soomaaliya".
"Kulanka ayaa ka dhacay Bandhigga Difaaca Caalamiga ah iyo Shirka (IDEX 2023), kaas oo lagu qabanayo Xarunta Bandhiga Qaranka ee Abu Dhabi (ADNEC)," ayay sii raacisay WAM.
WAM ayaa intaas ku dartey in Al Nahyan uu soo dhaweeyay booqashadda madaxweynaha Soomaaliya "una caddeeyay in Imaaraadka taageerayo dedaalada lagu xaqiijinayo nabadda iyo barwaaqada Soomaaliya iyo dadkeeda".
Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa illaa haatan waxa aysan ka hadlin safarka Xasan Sheekh ku tagay Imaaraadka Carabta kaasoo la sheegay in uu u baxay isla maalintii uu kasoo noqdey shirka Midowga Afrika.
Madasha IDEX 2023 ayaa ah mid sanadle ah waxaa inta badan lagu gorfeeyaa arrimaha gaashaandhiga. Lama ogga sababta Madaxtooyadda Soomaaliya u qarisay safarka madaxweynaha.
Waa markii afaraad uu Xasan Sheekh booqdo Imaaraadka Carabta tan iyo markii dib loo doortey 15-kii May, 2022. Abu Dubai waxay kamid tahay dalalka kordhiyey saameyntooda gudaha Soomaaliya sanadihii lasoo dhaafay.
GAROWE ONLINE