Xasan Sheekh oo shaaciyey aragtiisa xalka xiisadda gobolka Gedo
KISMAAYO, Jubaland - Madaxweynaha Soomaaliya oo khudbadii jimcaha ka hadlayay masaajid ku yaala madaxtooyada Jubbaland ee Kismaayo ayaa sheegay in uu u socdaali doono gobolka Gedo, lana fariisan doono siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka ah ee gobolkaasi.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in cabashada ka dhex jirta reer Jubbaland ay tahay mid ka jirta dalka oo dhan iyo maamul goboleedyada kale, xalkana uu yahay in la wada fariisto.
"Haddii aad tiraahdo kuma rabo, kuma rabo waxay dhashaa kuma rabo," ayuu yiri madaxweynaha oo ka digay in go’aano hal dhinac ah la qaato, shuruudna lagu xiro wadahadalada.
Wararka madaxa-banaan ee soo baxaya ayaa sheegaya in safarka Gedo ee madaxweynaha uu noqonayo marka uu kasoo laabto safar uu ku tagi doono magaalada Dooxa ee Qatar.
Safarkiisa Gedo ayaa waxa wehlin doona xubnaha labada gole ee heer federaal ee kasoo jeeda Gedo iyo waliba madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan.
Xubnahan labada gole ayaa la fahamsanyahay in ay ka koobanyihiin dhammaan bulshooyinka kasoo jeeda Gedo, kuwaas oo qaarkood aanan wax cabasho ah ka qabin Jubbaland.
Dhinaca kale, Xasan Sheekh oo isla Jimcadii booqday deegaanka Malleeyleey oo hoostaga degmada Jamaame ee gobolka Jubada hoose ayaa u kuur galay xaaladaha nololeed ee bulshada deegaanka isaga oo halkaasi ka qayb galay munaasabad qado sharaf ah oo lagu maamuusay wafdigiisa
Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxmauud oo uu wehlinayo Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa dhagax dhigay waddo laami ah oo isku xirta degmooyinka Kismaayo iyo Af-madoow ee gobolka Jubada hoose taasi oo masaafo ahaan dhan 120 Kiilo mitir.
Xasan Sheekh ayaa ka dalbaday ganacsatada, qurbajoogta iyo guud ahaan bulshada reer Jubaland in ay ka qayb qaataan dhismaha wadadaan oo kaalin mug leh ka qaadandoonta fududeynta isku socodka ganacsiga iyo dadweynaha iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.
GAROWE ONLINE