Xildhibaan lagu canaantey in uu dharka ku dhex-siibay baarlamaanka
DODOMA, Tanzanian - Xildhibaanada baarlamaanka Tanzania ayaa looga digay inay iska siibaan dharkooda marka ay ku jiraan kulamadda xeer-dejinta, sidda ay warisay saxaafadda.
Gudoomiyaha baarlamaanka, Tulia Ackson, ayaa soo saartay digniin kama dambeys ah ka dib markii xildhibaan Mwita Waitara uu iska siibay jaakada iyo tayga xilli ay dood socotay.
Waitara oo ka carooday fadhi kulul - oo ku saabsanaa magdhowga dadkii doortay ee ku barakacay macdan qodista - ayaa ugu dambeyn isaga soo baxay qolkii dooda ay ka socotey.
Marwo Ackson ayaan ka hadlin qaabka uu mudanaha u uga baxay fadhiga, balse waxaa ka dhiidhisay jebinta xeerka lebiska baarlamaanka kaasoo soojeedinaya hanaan rasmi ah.
Talaabada uu sharci-dejiyaha ku siibay jaakada iyo tayga ayay ku tilmaamtey in ay ahayd "anshax-xumo", waxaana ay codsatay in aysan dib dambe usoo laaban hab-dhaqankaas.
"Dhaqankan lagama oggola gudaha baarlamaanka, mana aha inay mar dambe dhacdo. Haddii aad xanaaqsan tahay, dibadda u bax," ayay tiri Ackson oo si kulul ula hadashay Xildhibaanada.
Baarlamaanka Tanzania oo ka kooban 393 xubnood ayaa muddo xileedkooda waxa uu yahay shan sano, waxaana u degan hanaan sharci gaar ah oo ay kaga duwan yihiin dhigooda caalamka.
GAROWE ONLINE