Soomaaliya ma gaartay xilligii dib loo eegi lahaa siyaasadeeda iskaashiga difaaca shisheeye?

Image

FAALO | Todobaadkan, Soomaaliya waxay gashay xaalad muran keentay ka dib markii ay hub ka heshay Masar, taasoo ka cadhaysiisay Itoobiya oo weli u aragta Qaahira inay cadow u tahay. Hase yeeshee, tani maaha sawirka dhabta ah ee sida arrinku u dhacay.

Sheekadu waxay bilaabatay bishii December 2023 markii Soomaaliya iyo Itoobiya ay kala saxiixdeen heshiis iskaashi difaac oo ay saraakiishu ku tilmaameen mid kor u qaadaya nabadda iyo amniga Geeska Afrika. Labada dhinac waxay horay u kala saxiixdeen heshiis noocan oo kale ah sanadkii 2014, iyaga oo sheegay in midkan cusub uu sii xoojinayo iskaashiga.

Markii hore, waxay u muuqatay in labada dal ee mar soo dagaalamay ay adkeynayaan xiriirkooda iskaashi. Laakiin saddex toddobaad uun ka dib, 2-dii Janaayo, Itoobiya waxay heshiis la saxiixatay Somaliland, oo ah gobolka waqooyi-galbeed ee Soomaaliya, si ay u hesho marin badeed. Tani waxay wax walba way bedeshay, iyadoo Soomaaliya ay ka soo horjeesatay isku dayga lagu kala goynayo dhulkeeda.

Tan iyo markaas, cabashooyinka Soomaaliya waxaa la kulmay diidmo ka timid Addis Ababa oo aan ka noqon heshiiskaas, taasoo la sheegay in Itoobiya ballanqaaday aqoonsiga Somaliland sidii dal madax-bannaan.

Todobaadkan, markii Masar ay hub gaarsiisay Soomaaliya, waxay ahayd fulinta ballanqaadka Qaahira ee ah inay Soomaaliya u dirayso ilaa 10,000 oo askari, qaar kamid ahna waxay noqon doonaan qayb ka mid ah Hawlgalka Taageerada Amniga Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo lagu beddelayo Hawlgalka Kumeelgaarka ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS). Laakiin Masar waxay sidoo kale cadow ku tahay Itoobiya khilaafka Webiga Nile kadib markii lagu guuldareystay sidii loo xallin lahaa sida loo buuxin lahaa Biyo-xireenka Weyn ee Dib-u-curashada Itoobiya (GERD). Biyo-xireenkaas ayaa waxaa Qaahira u aragtaa inuu khatar ku yahay amnigeeda, halka Addis Ababa ay u aragto inuu yahay isha korontada ee dalka u baahan yahay. Addis Ababa waxay si iskeed ah u bilowday inay buuxiso biyo-xireenkaas.

Ilaa iyo hadda, khubaradu waxay sheegeen inaysan jirin suurta-galnimada ah in Itoobiya iyo Masar ay isku dhacaan arrinta Nile. Sidoo kale waxaa yaraaneysa fursadda ah in Itoobiya iyo Soomaaliya ay dagaalamaan hadda, inkastoo ay hore u dagaalameen. Dhacdooyinka Muqdisho ka dhacay todobaadkan, si kastaba ha ahaatee, waxay carqaladeyn karaan iskaashiga Geeska Afrika ee ka dhanka ah cadowga guud ee al-Shabaab. Itoobiya, iyada oo aan magacaabin Masar, waxay tiri Soomaaliya waxay khatar galinaysaa amniga gobolka iyadoo la falgaleysa hay’ado dibadeed.

In kasta oo heshiiska Somaliland uu yahay mushkilad u baahan in la xalliyo, Soomaaliya waa inay saxdaa habka ay u waddo heshiisyada iskaashiga difaaca ee caalamiga ah. Qaar ayaa ku doodaya in Soomaaliya ay Masar ula macaamishay sidii xulufo ka dib markii ay dareentay khatarta heshiiskii Janaayo. Runtu waxay tahay, Masar waxay hore u soo caawisay Soomaaliya intii lagu jiray Dagaalkii Koowaad ee Ogaadeen sanadkii 1964-kii oo ka dhanka ahaa Boqortooyadii Itoobiya. Dagaalkaas ayaa ku dhamaaday natiijo la’aan.

Marka la eego sanadka 2024, Soomaaliya waxay gashay xaalad cakiran. Waxaa Villa Somalia saxiixday heshiisyo iskaashi difaac oo ay la gashay dalal kale oo ka baxsan Masar iyo Itoobiya. Saxiixa heshiisyadaan ayaa la dareemayaa iney khatar galin karaan isku haynta dalka Soomaaliya kaasoo aan weli ka soo kaban burburkii ku dhacay dowladnimadiisa.

Sababta kowaad waxay noqon kartaa qaabka ay Soomaaliya u saxiixdo heshiisyada Isfahamka oo aan la gaarsiinin heshiisyo buuxa oo waajib ku ah labada dhinac inay ixtiraamaan madaxbannaanida midba midka kale. Heshiisyada Isfahamka guud ahaan waa qoraallo niyad wanaag ah oo aan labada dhinac midna ku waajibin. Waxay uun calaamadeynayaan in labada dhinac ay doonayaan inay xoojiyaan iskaashi mustaqbalka, iyada oo aan la dejinin waqti ama waajibaad.

Sababta labaad waxay noqon kartaa iney yihiin heshiisyo milatari oo lala yeesho wadamo ku jira tartan siyaasadeed kuwaas saameyn ku yeelanaya xaalada amni ee dalka Soomaaliya oo dagaal kula jira argagixiso caalami ah.

Khubarada amniga ayaa aaminsan in saxiixyada faraha badan ay salka ku hayaan tabar-yarida hay’adaha Soomaaliya kuwaas oo sababa inay si degdeg ah heshiis ula galaan cid kasta oo ay u arkaan inay caawineyso. Taasi meesha ka saartay in la sameeyo hubin dhab ah iyo in heshiisyadaani yihiin kuwo dani ugu jirto dalka iyo in kale.

Si kastaba ha ahaatee, tan iyo inta uu talada la wareegay Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa waqti badan Villa Soomaaliya ku bixisay shirar lagu galayo heshiisyo lagu sheegay iney yihiin kuwo Isfaham halka meesha laga saaray in al-Shabaab la dabar gooyo. Haddii ay Soomaaliya galeyso heshiis iskaashi difaac, waa inay hubisaa in heshiisyadaasi ay yihiin kuwo lagu cirib tirayo kooxaha hubeysan iyo ilaalinta madaxbannaanida dhuleed ee dalka. Wixii intaas ka baxsan waxay la kulmeysaa dhibaato siyaasadeed oo kaga timaada dalka dibadiisa iyo gudahiisa.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Xiisadda doorashooyinka Jubaland oo isku rogtay gacan ka hadal

Iska-hor-imaadka ayaa u dhaxeeyay ciidamo kala taabacsan Axmed Madoobe iyo Senator Gaboose.

  • Soomaliya

    23-11-2024

  • 09:05AM

Wafdi taabacsan Dowladda Soomaaliya oo laga soo celiyay Garbahaarey

Waa markii labaad oo talaabadan oo kale ay ku kacaan Ciidamada Dowladda Itoobiya.

  • Soomaliya

    23-11-2024

  • 08:56AM