Xiisadda biyo-xireenka Nile: Itoobiya oo ku eedeysay Masar siyaasadda gumeysiga

Image

Qaahira – Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah al-Sisi, ayaa sheegay in dalkiisu qaadayo dhammaan tallaabooyinka lagama-maarmaanka ah si uu u ilaaliyo danihiisa qaran iyo amniga biyaha, kadib markii Itoobiya ay dhammeysatay dhismaha iyo furitaanka biyo-xireenka weyn ee Webiga Nile.

Sida uu baahiyay Ahram Online, Madaxweyne Sisi ayaa ku tilmaamay maamulka biyo-xireenka Itoobiya mid “mas’uuliyad darro ah”, isagoo carabka ku dhuftay in Masar “uusan si eed la’aan ah ugu fiirsan doonin” xaaladda.

“Kalsoonida ay Masar ku qabto diblomaasiyadda iyo saaxiibbadeeda caalamiga ah, oo ay ku jirto Mareykanka, looma fasiran karo daciifnimo,” ayuu yiri Al-Sisi isagoo ka hadlayay farriin muuqaal ah oo uu u diray ka qeybgalayaasha Toddobaadka Biyaha 8-aad ee ka socda Qaahira.

Khilaafka u dhexeeya Masar, Itoobiya iyo Suudaan ee ku saabsan Biyo-xireenka Renaissance ayaa muddo dheer taagnaa, iyadoo Masar ay ka cabsi qabto in mashruucaasi uu dhaawacayo xuquuqdeeda biyaha Nile.

Dhanka kale, Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta ee Itoobiya oo war-saxaafadeed soo saartay, kama jawaabin toos ah hadallada Al-Sisi balse waxay ku eedeysay Masar inay weli ku socoto "dhaqan aan dhisnayn" oo ka dhan ah Itoobiya.

“Masar waxay sii wadaysaa carqaladeynta wada-shaqeynta iyadoo wali ku dheggan aragtiyo iyo siyaasad ay ka dhaxleen xilligii gumeystaha,” ayaa lagu yiri bayaanka Itoobiya.

Biyo-xireenka, oo ku kacay $4.2 bilyan, ayaa ah mid Itoobiya u aragto inuu muhiim u yahay horumarkeeda, halka Masar ay uga baqeyso inuu keeni karo culeys weyn oo ku yimaada sahayda biyaha ee dalkaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kumanaan Kenyan ah oo isugu soo baxay Kasarani si ay u arkaan Meydka Raila Odinga

Madaxweynaha dalka, William Ruto, ayaa hogaaminayay munaasabadda, isagoo ay weheliyaan marwadii Raila.

  • Afrika

    16-10-2025

  • 05:54PM

El-Sisi iyo Al-Burhan oo ka wada hadlay Arrimaha Biyaha Webiga Niil iyo Xaalada Sudan

Lt. Gen. Al-Burhan ayaa ku mahadceliyay taageerada joogtada ah ee Masar iyo dadaalka Madaxweynaha El-Sisi.

  • Afrika

    16-10-2025

  • 10:30AM