Iran oo sheegtay in ay ka jawaabi doonto weerar kasta Mareykanka kusoo qaado

Image

TEHRAN - Iran ayaa Isniintii sheegtay in aysan “ka waaban doonin” in ay ka jawaabto haddii ay dhacdo weerarrada Mareykanka uu ku qaado dalkeeda ka dib markii Aqalka Cad uu ka gaabsaday in uu sheego in weerarrada Iran ay meesha ka saareen iyo in kale.

Lataliyaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad, Jake Sullivan, ayaa sheegay Axaddii in Mareykanku uu ku adkeysan doono weerarrada ka dhanka ah kooxaha ay Iran taageerto ee Ciraaq iyo Suuriya.

Sullivan oo la waydiiyay in Maraykanku meesha ka saarayo suurtagalnimada in si toos ah loo duqeeyo Iran, Sullivan waxa uu u sheegay NBC, "ma caqli ahaan lahayd inaan ka hadlo waxa aan xukumayno oo aan meesha ka saarayno."

Xiisadaha gobolka ayaa cirka isku shareeray tan iyo markii uu qarxay 7-dii October dagaalka Israa'iil ay ku hayso Qaza, kaasoo ay ku lug lahaayeen kooxaha mintidka ah ee Ciraaq, Suuriya, Yemen iyo Lubnaan.

Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in ay duqaymo dhanka cirka ah ku qaadeen shan gantaal oo laga soo tuuray Yemen Axadii.

Duqeymaha ayaa yimid maalin kadib markii ciidamada Mareykanka iyo UK ay qaadeen mowjado duqeymo ah oo ka dhan ah Xuutiyiinta Yemen -- wajigii saddexaad ee dhaq dhaqaaqa militari ee wadajirka ah ee looga jawaabayo weerarada joogtada ah ee fallaagada ee maraakiibta.

Xuutiyiinta ayaa sheegay in weeraradooda ay ka wadaan Badda Cas ay garab taagan yihiin Falastiiniyiinta ku sugan Gaza.

Milateriga Mareykanka ayaa Jimcihii illaa Sabtidii duqeymo ka geystay goobo ku yaalla Suuriya iyo Ciraaq, halkaasoo ay ku dileen dad rayid ah oo ku sugnaa labada dal.

Iran oo ay weheliyaan Ciraaq iyo Suuriya ayaa cambaareeyay duqeymaha Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Yurub oo dejisay qorshaha dagaalka Ukraine oo Trump la'aantiisa la fulin karin

Iskaashiga u dhexeeya Ingiriiska, Faransiiska, iyo Ukraine ayaa muhiim u ah xoojinta taageerada caalamiga ah ee loo fidinayo Ukraine.

  • Caalamka

    02-03-2025

  • 11:39AM

Trump oo Ku Yiri Zelenskyy: Waxaad ku khamaareysaa Dagaalkii 3aad ee Adduunka

Trump ayaa sidoo kale sheegay in uu doonayo inuu hubiyo in Mareykanka uu ka fogaado in uu noqdo qayb ka mid ah dagaalka Ukraine.

  • Caalamka

    01-03-2025

  • 09:03AM