Taliyaha Ciidamada Israel oo shaaca ka qaaday inta uu qaadan doono dagaalka Qasa

Image
Taliyaha ayaa sheegay in dagaalka Qasa uu sii socon doono muddo bilo ah.

QASA (GO) - Taliyaha ciidamada Israel Herzi Halevy ayaa maanta sheegay in dagaalka Qasa uu sii socon doono muddo bilo ah.

Halevy ayaa ku yiri bayaan lagu daabacay mareegga ciidamada Israel:

“Waxaan hadda ka soo tagay marinka Qaza oo aan kula kulmay dagaalyahano jooga waqooyiga marinka Qasa. Waxaan aad ula dhacay qaabka ay ciidamadu u dagaalameen, una shaqeeyeen, ugana gaareen hadafkii aan u dhignay.”
.
Halevy ayaa intaas ku daray: “Ciidamada Israel ayaa ku dhow inay soo afjaraan burburinta ciidamada Xamaas ee ku sugan waqooyiga Marinka Qasa.”

“Waxaan meesha ka saarnay argigixiso iyo horjoogayaal badan oo qaarkood ay isu soo dhiibeen ciidamadeena, boqolaalna waan qabanay. Waxaana burburinay goobo badan oo dhulka hoostiisa laga dhisay.” ayuu ku soo gabagabeeyay.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Midowga Yurub oo Walaacsan iyo Trump oo hakiyay hubka uu Mareykanka siiyo Ukraine

Sarkaalka oo aanan magaciisa la shaacin ayaa sheegay, in Maamulka Madaxweyne Trump uu hakiyay gargaarka hubka Ukraine.

  • Caalamka

    04-03-2025

  • 09:17AM

UK oo diiday Soo-jeedinta Faransiiska ee Xabbad-joojinta Ukraine

Madaxda Yurub ayaa sheegay inay dejin doonaan qorshe xabad-joojin ah, islamarkaana ay la kaashan doonaan Madaxweyne Trump.

  • Caalamka

    03-03-2025

  • 12:18PM