Deni oo cafis u fidiyey Xildhibaan Daad kadib dhambaal raaligelin ah

Image

GAROWE, Puntland - Mudaneyaal ka tirsan Golaha Wakiiladda Puntland ayaa madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni "ka raali geliyey" arrintii Xildhibaan Cawil Xasan Daad, sida ay baahisay Madaxtooyadda.

War qoraal ah, oo xafiiska Deni kasoo baxay uuna nuqul kamid ah helay warsidaha Garowe Online, ayaa lagu shaaciyey in sharcidejiyeyaasha ay soo bandhigeen dalab kale oo ku aadan in uu cafis u fidiyo Xildhibaanka.

Madaxweynaha ayaa "si qoto dheer u dhageystay mudaneyaasha Baarlamaanka [oo] Qardho ugu yimid arrintan darteed, isla markaana tixgelinaya [soo jeedintooda] wuuna ka aqbalay codsigaasi".

Talaabadan ayaa kusoo aadeysa xili dhowaan xeer-ilaalinta ay dalbatay in xasaanadda laga xayuubiyo mudanaha si ay dacwad ugu soo oogaan maadaama hadal "qadaf ah" uu ka sheegay furitaanka kal-fadhigii 45aad.

Madaxweyne Dani ayaa isaga oo ka jawaabaya su'aasha Xildhibaan Daad ku eedeeyey in maamul kii uu agaasimaha ka ahaa ku fashilmey bixinta mushaharaadka. 

Hoos ka akhriso bayaanka

In ka badan 20 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Puntland ayaa kulan Kula qaatay Qardho Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Xildhibaanadan oo saaka ka yimid Garoowe ayaa u sheegay Madaxweynaha in ay u wadaan dhambaal raaligelin ah oo ku saabsan arrinta Xildhibaan Cawil Xasan Daad.

Mudaneyaasha ka tirsan Baarlamaanka waxay Madaxweynaha u cadeeyeen in hab-dhaqankii ka dhacay Furitaankii Kalfadhiga 45-aad ee Baarlamaanka Puntland, ay ahayd waxaan u qalmin Dowladdnimada Puntland ee 21-sano jirsatay.

Waxay Xildhibaanadu Madaxweynaha u gudbiyeen dhambaal raaligin ah iyagoo codsaday in la cafiyo Xildhibaan Cawil Xasan Daad, Xeer illaalintu ay la laalabato Dacwada ay ka gudbisay Xildhibaanka.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni oo si qoto dheer u dhegaystay Mudaneyaasha Baarlamaanka, ee Qardho ugu yimi arrintan darteed, isla markaana tixgelinaya Codsiga mudaneyaasha wuu ka aqbalay codsigaasi.


GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM