Fahfaahin laga bixiyey meydka gabar laga helay magaalada Boosaaso

Image
Image

BOOSAASO, Puntland – Mas'uuliyiinta gobolka Bari ayaa Axada maanta ah waxay ka warbixiyeen meydka gabar oo laga helay qaybo kamid ah magaala madaxda ganacsiga dowladda Puntland ee Boosaaso.

Xuseen Cali Maxamuud, taliyaha bileyska gobolka Bari, gudoomiye ku xigeenka labaad ee gobolka Bari, Axmed Maxamuud Axmed iyo maamulka isbitaal baaris ku sameeyay ayaa warbixin horudhac ah diibay.

Maamulka Isbitaalka guud ee Boosaaso ayaa sheegay in uusan jirin wax kufsi ah oo lagula kacay gabadha. Tani waxay soo afjareysaa hadalheyn ku saabsan in gabadha lagula kacay faroxumeyn iyo khaarijin.

Taliye Maxamuud oo dadweynaha ugu baaqay in ay is-dejiyaan ayaa sheegay in ay dabagal dheeraad ah ku wadaan qaabka uu dilka u dhacay ayna ciidamadda dambi baarista ku raadjoogaan dadkii geystay.

"Dadka waxaa la rabaa in ay maqlaan oo ay dhageystaan waxa isbitaalka ama maamulka caddeynayo wax kufsi la yiraahdo ma jiraan laakiin waxaa jira dil; gabadha dil baa loo geystay oo fool xun. Dilkaas waa laga wada shaqeynayaan, baarista waa socotaa kaliya dadka waxaan u sheegeynaa in aanu kufsi jirin," ayuu banaanka isbitaalka ugu sheegay warbaahinta.

Gudoomiye Axmed oo "biyo kama dhibcaan" ku qeexay warbixinta isbitaalka ayaa cod dheer ku tibaaxay in uu jiro tuhun ku saabsan gabdha uu dulmaray baabuur, hase ahaatee, ay xaqiijin ku sameyn doonan.

"Arrinta dhimashadda, raadadka illaa hadda la hayo waxay u eg-yihiin in gabadha madaxa gaari la dulmaray. Baadigoobka cidda ku shaqada baa ku howlan. Sidda xoguhu kusoo gudbayaan, tuhumo waa jiraan illaa hadda," ayuu ku daray, isagoo rajeeyay in kiiska uu si fiican kusoo dhamaado.

Dhacdadan ayaa kusoo hagaagtay iyaddoo qaybo kamid ah Soomaaliya laga soo wariyey bilooyinkii lasoo dhaafay in uu sii kordhayo beegsiga ka dhanka ah gabdhaha, arrintaas oo walaac ku abuurtey waalidiinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM