Ilaha la filayo in ay kasoo xarooto Miisaaniyadda Puntland ee 2020

Image

GAROWE, Puntland – Golaha Wasiiradda Puntland ayaa Isniintii meelmariyey odoroska Miisaaniyadda dowladda ee 2020-ka, taas noqotay tii ugu badneyd taariikhda casriga ee maamulkan.

Iyadda oo kulanka lagu ansixiyey uu gudoomiyey madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, wadarta guud ee Miisaaniyadda ayaa waxay gaareysaa aduun lacageed dhan $346,416,158.99.

Wasaaradda Maaliyadda oo miisaaniyadda u gudbisay baarlamaanka kana rajeyneysa in ay ansixiyaan ayaa shaaca ka qaadey in lagu saleeyay baahiyaha guud ahaan ee jira.

Sidda lagu sheegay qoraal kasoo baxay xukuumadda, waxaa qoondo loogu kordhiyey Sanduuqa Horumarinta Dhalinta, Dimoqraadiyeynta Puntland iyo dayactirka wadooyinka.

Xasan Shire, wasiirka maaliyadda, oo saxaafadda la hadlay kadib markii uu xeer-dejinta ku wareejiyay, ayaa shaaca ka qaadey ilaha la filayo in ay kasoo xaroodaan lacagta oo kala ah;

$93,466,666 – Dakhliga Gudaha
$6,984,516 – Dowladaha Hoose
$2,000,500 – Deeqaha Dowladda federaalka
$2,673,793 Bangiga Aduunka
$2,000,000 – Deeqaha dibadda
$112,886,350 – Mashaariicda Qaramadda Midoobay
$107,954,834 – Hay'addaha caalamiga ah

Dhinaca kale, wasiir Xasan ayaa ku tartarsiiyey in muwaadiniinta in ay bixiyaan canshuurta si loogu kabo Miisaaniyadda dowladda isla markaana sideeda loogu dhaqmo.

"Miisaaniyadaha sida loo sameeyo baanu u sameynay. Markii hore waxaa lasoo gudbin jiray, waxa gudaha laga rabo, hadda waxaa la sameeyay waxa dakhli Puntland soo galaya," ayuu yiri.

Nidaamkaas waa sidda looga dhaqmo caalamka, ayuu wasiirku sharaxay. "Lacagahani waa kuwa loo maleynayo in ay Puntland soo galayaan waliba qaybo aynu kusoo darin baa jira".

Miisaaniyadda Puntland ee 2020-ka ayaa aad ugu dhow Miisaaniyaddii dowladda federaalka ee 2018-kii taasoo ahayd $340 milyan, wallow sanadka soo aadan ay ku dhow dahay shan boqol.

Puntland ayaa ah maamulka ugu da'da dowladaha xubinta ka ah federaalka ka tisqaadey Soomaaliya, waxaana xukuumadda haatan jirta ay rajeyneysaa in ay kobac dhaqaale horseedo.

MUUQAALKA WASIIRKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo horumar weyn ka sameysay Howlgalka Hilaac ee ka socda G/Bari

Dagaalyahannada ISIS ayaa la kulmay khasaare weyn toddobaadyadii u dambeeyay kadib markii Madaxweynaha Puntland.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 10:39AM

Soomaaliya: Muxuu Axmed Madoobe Ka Yiri Howlgalada Puntland ee ka Dhanka ah Daacish?

Madaxweynuhu wuxuu si gaar ah u xusay guulaha muuqda ee Puntland ay ka gaartay howlgalka Hilaac.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 08:51AM